Koox hubaysan oo xalay weerartay ciidamada madaniga ee Xaafada Garsoor

October 1, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug  ayaa sheegaya in koox hubaysan oo aan heebtooda la aqoon ay xalay weerar la beegsadeen ciidamada madaniga ee xaafada Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaana weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Warar hor dhac ah oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay askari ka mid ah ciidanka madaniga ee xaafada Garsoor halka askari kalena uu soo gaaray dhaawac weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Suuqa laanta saddexaad ee Xaafada Garsoor

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xili shalay ay cuqaasha beesha Tanade (Leelkase)ay qado sharaf u sameeyeen Isimadii soo afmeeray colaadii  Gaalkacyo iyo masuuliin ka tirsan Puntland waxay ayna xafladu ka dhacday Hotelka Clasic ee Magaalada Gaalkacyo .

Ugaas Cali Ugaas Maxamed oo ka hadlay xaflada qado sharafta ah oo ay qabteen waxgaradka beesha Leelkase ayaa sheegay in ay fulin doonaan heshiiskii ay galeen waxaana uu sheegay Ugaaska in ay laba gudi saareen kuwaas  oo kala ah gudi la shaqeyn doona Maamulka Gobalka Mudug si amaanka loo sugo iyo gudi aadi doona magaalada Garoowe si ay uga qeyb galaan kulankii ay isimada ku baaqeen ee ka dhici doona magaalada Garoowe.

M_M Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Cabdallah Abu qadaamah waan kula qabaa walaal rayigaas waa qolo sharwadayaala oo doonaya inay colaad dhex dhigaan beelaha walaalaha ah ee xoogaagii xungurufta ahayd ka heshiiyay waa hubaal inay yihiin kuwo si dadban ugu adeegaya danaha cadwga horaa loo yiri Dab Munaafiq shiday mu’min baa ku gubta.
    Waxaan leeyahay walaalaha magaalada wada dagan hadii idinku aad midaysantihiin cid kale amnigiina wax uma dhimi karto hal ku dhagiinuna ha noqdo Muslimnimo,Midnimo iyo Maslaxo ka talin.

    Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh.

  2. Weerarkaan waxaa ka dambeeya kooxo dhab ahaan ku hungoobay hammi goodii ahaa inaanay heshiin walaalaha dhibta yari dhexmartay, isla markaana aan raalli ka ahayn heshiiskii sida wanaagsanaa loo soo afmeeray ee kaliya oodii ugu dambeysay in lagu qaado magaalada garoowe, sida kuwii reer maka ee qaswadayaasha ahaa ee damcay inay fashiliyaan heshiiskii xudeybuyah ee ay wada galeen nebiga csw iyo reer makah, kuna hungoobay isku daygoodii, maxamed ibnu maslamana iyo katiibadiisiina ay fashilisay illaa ay gacanta ku dhigeen dhammaantood , xikmaddii suubaneyd ee nebiguna si wacan hawshaas si wacan u maamushay iyagoo gebi ahaantoodba layska sii daayey, inkastoo hogaamiyeyaashii raggaasi qaska ku tala galay ay dib kasoo islaameen.

    Hadaba ma shaki baa ku jira kuwa la yimid camalkaan faashilka ah ee lagusoo qaadey ciidamada isku dhafkaa ee madaniga ee xaafadda garsoor inay yihiin kuwo fitno u jeeda oo doonayey inay ka hortagaan dhemeystirka heshiiska inta ka hartay, fitnadeese ka weyn dad walaalo muslimiin ah oo dagaal laga dhex huriyo…? waxaan leeyahay anigu ma ihi reer gaalkacyo iyo reer puntland toona laakiin waxaan ahay qof muslim ah oo ka xanuunsanaya dhibaatooyinka iyo fitanta aan loo aaba yeeleyn ee dad wax magarato ahi ka dhexwadaan bulshada soomaaliyeed ee masaakiinta ah ee dagaaladu soo daashadeen, waxaanan kula talinayaa dadka deegaanadaas inay iska qabtaan oo meel ugaga soo wada jeestaan wax alla iyo wixii n/gelyadooda wax u dhimaya, heshiiskoodiina ay gaareenna sii wadaan tallaabada ay hadda qaadeen ee ciidankaas madanigana waa tan ugu haboon ee ay ku sugi karaan ammaankooda wixii dhex imaan lahaana ee shakiyana ku suulin lahaayeen….ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ummadda ka qabto kuwa qaska iyo qalalaasaha ka dhexwada ee ummadda nasashadii u diiday….

Leave a comment

*