Kulan lagu bixinaayay Mag u dhiman Beesha Cali Jibraahiil oo ka dhacay Qardho

October 31, 2011 - Written by

Qardho:-Kulankaan ayaa waxaa ku dhacay Hoteelka Gufure ee degmada Qardho oo ay isugu yimaadeen Beesha Cismaan Maxamuud iyo Beesha Cali Jibraahiil, kulankaan ayaa waxa soo qaban qaabiyay Maamulka heer Degmo, heer Gobol iyo Madaxweynihii hore dowlada Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi  (Cadde) oo ahaa hogaamiyaha Nabada ee Puntland. 

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayay sidii ay beesha Cismaan Maxamuud uga garbixi laheyd beesha Cali Jibraahiil qeybtii ugu dhimneyd Marxuun Sida ku cad Qoraalkaan oo maxkamda ka soo baxay beelahana ay isku waafaqsan yihiin

no images were found

 

Ma ah markii ugu horeysay oo kulanka noocaan  oo kale ka dhaco degaanka degmada Qardho ee garbixida beelaha ay degaanka iyo xuduudka wadaagaan,  isla bishaan waxaa ka dhacay hotelka Gufure kulan looga garbaxaayay Beesha Dhulbahante oo Labo nin hada ka hore looga dilay degaanka B/Beyla iyo degmada Qardho. 

Mar aan wax ka weydiiyay Nabadoonada meesha ku sugnaa ayaa waxaa ii sheegay in ay u qorsheynsan tahay in kulamo noocaan oo kale ay ku guda jiraan sidii beelaha ay wax ka qabaan ay uga garbaxaan waxa ka maqana beelaha kalena ay  u raadsadaan. 

Waxaa kaloo noo socda shirar lagu soo afmeerayo garbixida iyo nabad wadaaga degaamada ay beesha la leedahay xududaha iyo kuwa ay wada degan yihiin, sidoo kale waxa lagu guda jiraa sidii loo afmeeri lahaa dhibaha ka dhacay isla magaalada. 

Faysal Ahemd Mohamed
Gardo. Karkaar Region

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online