Labo qarax oo ka dhacay caawa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Keny.(Video)

October 24, 2011 - Written by

Nairobi:-Isniin, October 24, 2011:-Isniin, October 24, 2011:-Waxaa dhawaan ka dhacay Magaalada Nairiobi ee caasimadda dalka Kenya 2-bo qarax oo si xig xigay, waxaan qarax yadaas ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.Qarax koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay goob laga raaco Basaska waxaan ku dhintay hal qof halka ilaa 8 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, dadka ku dhaawacmay qarax ayaa waxaa loola cararay cisbitaalka weyn ee Kenyata Hospital sida laga soo xigtay Laanqayrta cas.

Ciidanka Booliska iyo kuwa gurmadka caafimaadka deg deg ah ayaa soo gaaray goobta waxaan ay bilaabeen in ay daad gureyaan dadkii dhaawac ahaa., goobta qarax uu ka dhacay ayaa ah meel aad ugu badan yahay dadka oo aad mashquul u ah.Qarax ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili xalay bamgacmeed lagu weeraray goob Nigh Clup ah oo ay ku dhaawac meen ilaa 14 qof oo dhamaantood la geeyey rugaha caafimaadka ee ku yaal magaalada Nairibi.

Sarkaal u hadlay ciidanka Booliska dalka Kenya oo lagu magacaabo Charles Owino oo la hadlay Wakaalada wararka ee Reuters ayaa yiri Bamgacmeed ayaa lagu weeraray goob laga raaco Basaska oo mashquul ah waxaan ku dhaawacmay ilaa 8 qof waxaan ku dhintay hal qof. Ilaa hadda ma jiraan cid sheegatay qaraxyada 24 -saac gudahooda ka dhacay Nairobi marka laga reebo saraakilnka tirsan ciidanka Booliska oo ku gaabsaday in ay tuhunsan yihiin ururka Al-shabaab balse ay baaritaan ay weli wadaan.

C/Casiis Axmed
Nairobi,Halgan.net

 
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo tabin  doonaa insha Allaahu

C/Casiis Axmed
Nairobi,Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,816 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>