Madaxweynaha DFKM oo booqday Degmada Dayniile kana hadlay faragalinta Kenya

October 24, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM  Sh. Shariif Sheekh Axmed oo maanta waxaa uu socdaal ku tagay qeybo ka mid ah Degmada Dayniile halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada DFKM iyo kuwa Burundi.

Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyey  Abaan duulaha Ciidammada DFKM General C/kariin Yuusuf Dhegabadan wuxuuna warbixin kooban siiyey madaxweynaha wuxuuna sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka ay la galeen ciidamada Al-Shabaab .

Madaxweyne Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa kadib markii uu warbixintaasi dhageystay abaanduulaha ciidanka DFKM wuxuu shir jaraa,id ku qabtay Degmada Dayniile waxaana uu ka hadlay qorshaha DFKM ee sugida amaanka caasimada iyo soo gali taanka ciidanka dalka Kenya xuduuda dalka Soomaaliya  waxaana sheegay  in Madax banaanida Soomaaliya la ilaaliyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada iyo shacabka aysan raali ka ahayn soo galitaanka ciidamada dalka Kenya balse loo baahan yahay in ay Kenya gacan ay siiso ciidanka DFKM ee dagaalka ka wada goballada ay xadka la wadaagto Kenya. 

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online