Madaxweynaha DFKM Sh Shariif oo booqday Xerada barakacayaasha ee Rajo

October 1, 2011 - Written by

Muqdisho, Soomaaliya, October, 01, 2011) Madaxweynaha DFKM Sh Shariif  Sh Axmed  ayaa maanta waxaa uu booqosho ku tegay qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ka soo hayaamay gobollada ku dhowdhow magaalada Muqdisho. Xafiiska Madaxweynaha DFKM SH Shariif ayaa booqashada barakacayaasha waxaa uu ka soo saaray war saxaafeed ku saabsan booqashada Madaxweynaha uu maanta ku tegay xeryaha barakacayaasha war saxaafadeedka ayaa waxaa ay u qornay sida tan.

Warsaxaafadeed:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa maanta kor ’meer ku soo maray qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalda Muqdisho. Madaxweynaha ayaa booqday goobahan ay barakacayaashu ku suganyihiin si uu ugu kuurgalo xaalada ay ku jiraan isagoo war’bixin ka dhageystay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah.

Madaxweyne Shariif ayaa horaantii booqday baqaar ku yaala degmada xamar jajab oo cunto loogu qay binayay dad badan oo barakacayaal ah. Madaxweynaha ayaa war bixin ka helay shaqaalihii ka howl galayay goobta iyo qaar ka mid ah barakacayaasha si uu u xaqiijiyo in gar gaarka bino’aadnimo uu gaaro dadka loogu talagalay.

Madaxweyanaha ayaa booqashadiisa ku soo gaba gabeeyay xerada weyn ee Rajo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u farabadan oo ka tirsan barakacayaasha xerada Rajo. Sidoo kale waxaa goobta Madaxweynaha ku soo dhaweeyay war bixina siiyay Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed M. Tarzan, Gudoomiyaha Degmada Madiina Axmed Daaci iyo wakiilka ha’yada Turkish Red Crescent Kamal.

Ka dib warbixin uu ka helay madaxda xerada iyo ha’yadaha ka howl gala ayuu Madaxwey nuhu dhex lugeeyay barakacayaasha si uu u ogaado habka gargaarka bino’aadnimo uu u socdo iyo baahida jirta wali. Ha’yada Turkish Red Crescent ee ka howl gasha xerada Rajo ayaa u soo bandhigtay Madaxweynaha mashruucyo ay ka mid tahay dhisme loogu talagalay in ay dhalinyaradu ku ciyaaraan iyo tababaro loo fidiyay shaqaale oo dhisay wado dheer oo uu Madaxweynahu ku lu geeyay.

Dhamaad

Suldan A. Farahseed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
media@presidency.gov.so

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online