Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif oo saaka booqday goobtii shalay qaraxu ka dhacay

October 5, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed ayaa dhawaan booqasho deg deg ah ku tegay xarunta hargaha iyo saamaha  oo shalay qarax ay la beegsadeen Al-shabaab, Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif ayaa booqashada uu ku tegay goobtii shalay ka dhacay waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka  tirsan DFKM. Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa waxaa  uu socd ku maray goobihii qaraxu uu burburiyey shalay, khasaaraha ka dhashay qarax ayaa sii kordhay waxaan la sheegayaa in ay gaarayso ilaa 80 qof halka dhaawacu uu ku dhow yhaya ilaa 150 qof, Masuuliyiinta la socda Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa kale oo ay booqdeen Hotelka Saxafi oo uu qaraxii shalay ka soo gaaray burbur.

Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cali Dheere oo shalay la hadlay saxaafad ayaa  sheegay in qaraxa ay fuliyeen guutada Istishhaadiga ah ee ciidanka Al-shabaab isagoo sheegay in cadowga ay dhabarka ka jabsheen.  Afhayeenka Al-shabaab Shiikh.Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in xarunta wasaarada hargaha iyo saamaha ay saldhiga u ahayd  sirdoonka DFKM iyo kuwa reer Galbeed ah isagoo sheegay in qarax shalay hadafkii la rabay laga gaaray in badan ay sirdoonka Al-shabaab ay isha ku hayeen goobta maanta qaraxa lala beegsaday.

Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif ayaa shalay eedeyn dusha uga tuuray Al-shabaab iyo ururka Al-qaacida isagoo ku eedeeyey in ay xasuuqeen arday iyo dad shacab ah wuxuuna beeniyey in xarunta qaraxu ka dhacay ay ahayd goob ay ku sugnaayeen ciidan ama ay wax ku noqdeen wasiiro ama masuuliyiin ka tirsan DFKM.

 

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online