Madaxweynaha DFKM Sharif Sh. Axmed ayaa maanta furay Suuqa bakaaraha

October 8, 2011 - Written by

Muqdisho:Waxaa maanta tegay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Madax weynaha DFKM Shiikh.Shariif Shiikh Axmed iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan ciidan ka DFKM iyo kuwa AMISOM, Xafiiska Madaxweynaha DFKM Shiikh.Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu  soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan  furitaanka Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

 War-Saxaafaddeedka waxaa uu u qornaa sida tan

 Mogadishu, Somalia, October, 08, 2011) Madaxweynaha DFKM Shariif Sh. Axmed ayaa maanta si ramsi ah u furay suuqa weyn ee bakaaraha. Ka dib markii uu xariga furitaanka jaray ayuu Madaxweynahu qodbo qiira leh ka jeediyay munaasabaadkaan oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u fara badan iyo ganacsatadii suuqa bakaaraha.

 Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay ciidamada qalabka sida ee Milatariga, Booliska iyo Nabad sugida oo ka shaqeeyay amniga suuqa bakaaraha si ay u ilaaliyaan hantida shacabka Soomaali yeed, Madaxweyne Sharif ayaa ku booriyay ganacsatada suuqa in ay ka qayb qaataan hanaanka nabada, dowladnimada iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaliyeed.

no images were found

 “in halkaan la soo gaaro dhiig iyo hanta badan baa ku baxday, ujeedaduna ma ahan dano gaar ah ee waxaanahay shacab jira, dowlad jira, waana inaan sharafkeenii iyo karaamadeenii soo celinaa, waa inaan soo celinaa wada shaqeyntii iyo iskaashigii shacabka Soomaliyeed, waa inaan soo celinaa adeegii bulshada. “ ayuu yiri madaxweyne Sharif.

 Madaxweynaha ayaa mar kale ka hadlay qaraxii waxuushnimada ahaa ee lagu xasuuqay u bixii ummada Soomaliyeed oo ay geeysteen arxan’laawayaasha Al-Shabaab iyo ururka Al-Qaacida. “ Diinta Islaam ku waxay dalkaan soo gaaray in ta aysan gaarin madiina waxaana u mahad celinay naa cullumadii intaa soo badbaadisay diinta, mana ka leexan doono dariiqoodii saxda ahaa.

 Illaahay waxuu yiri munkurka afkiina iyo gacantiina ka suuliya, qalbigana ka necbaada, dadka oo la laayo waa munkur, xoolahooda oo la dhaco waa munkur, munkurka waa inaan la dirirnaa,” ayuu yiri madaxweyne Sharif Sh. Axmed.

 “wiilasha yar yar oo la marin habaabiyay oo lagu yiri jano baad galaysaan markaad ummada xasuuqdaan waa inaan iska qabanaa.” Ayuu yiri madaxweynahu. Dhanka kale Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed iyo kuwa Amisom ayaa saaka ku guulaystay in ay dhamaan ka sifeeyaan kooxda Al-Shabaab xaafadihii ay kaga sugnaayeen waqooyiga magaalada Muqdisho.

 – Dhamaad –

 Suldan A. Farahseed

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Suuqa bakaaruhu miyuusan ahayn kii waligi jiray mise dib baa loo cusboonaysiiyey mise shariif iyo kooxdiisa ayaa dhisay maxay tahay suuq baa la furayaa, ma fahmin anigu ujeedka hadda loo leeyahay waxaa la furayaa suuqii bakaaraha ee waligiis jiray.

Leave a comment

*