Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi la socda oo ka dhoofay Garoowe

October 12, 2011 - Written by

Garoowe:-Wafdi uu horkacayo Madaxweynah Puntlland  Dr.Cabdiraxmaan Faroole  ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe , madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntlland Siciid Maxamed Raage , Guddoomiyaha gudiga  doorashooyinka Puntland Maxamed Xassan Barre iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Yuusuf Xassan iyo Wasiirudowlaha qorsheynta iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdiqani Cabdi Nuur.

Afhayeenka xukuumada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo saxaafada uga waramay safarka madaxweynaha ayaa xusay in madaxweynaha Puntlland uu sii mari doono dalka Kenya ka dibna uu uga gudbin doona dalka Ingriiska oo uu uga qayb geli doono shirk u saabsan burcadbadeedka  oo ay ka soo qayb geli doonaa dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya

Afhayeenka xukuumada dowllada Puntland Axmed Cumar Xirsi Libaax Joor ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntlland uu dalka Ingriiska kula kulmi doono Jaaliyadda Puntlland eek u nool dalka Ingriiska isagoo uga xog warami doona xaalada dhinaca amaanka iyo horumarka ee ka jirta Puntlland.

Dhinac kale waxaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Garoowe Madaxweyne ku xigeenka Puntlland  Gen.Cabdi samad Cali Shire  iyo wadi uu hogaaminayey oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay dalka Itoobiya , Madaxweyne ku xigeenka Puntlland ayaa noqday ku simaha Madaxweynaha Puntlland sida uu sharciga u degsan Puntlland ku xusan matka uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha Puntlland Dr CabdiraxmaanFaroole.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online