Madaxweynaha Puntlland oo la kulmay Madax ka tirsan dowllada Ingriiska

October 18, 2011 - Written by

London:-Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha Dowladda Puntland oo booqasho ku jooga magaalada London ee dalka UK ayaa ka kooban Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamad Rage, Wasiiru-dowlaha Xiriirka caalamiga Cabdulqadir Cabdi Xashi iyo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamad Xasan Barre.

Wafdiga ayaa soo gaaray London subaxnimadii maalinta Axada, waxaana madaarka dayuuradaha kusoo dhaweeyey saraakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibada (Foreign & Commonwealth Office – FCO) waxaana loo galbiyay VIP-da madaarka.
Maalintii Isniinta ayaa Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa xafiiskiisa ku yaala xarunta FCO ku qaabilay Wasiirka arrimaha Africa, Henry Bellin gham iyo Wasiirka Arrimaha Horumarinta Stephen O’Brien, iyadoo arrima ha laga wada hadlay ay ka mid yihiin socodsiinta heshiiskii Roadmap-ka, arrimaha gargaarka bini’aadanimo iyo horumarinta dalka, iyo la dagaalanka argagaxi sada iyo burcad-badeeda.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa u balansan Xildhibaano Baarlamaanka dalka UK, saraakiisha European Union-ka u qaabilsan la dagaalanka burcad-badeeda iyo khuburro dhanka arrimaha horumarinta. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa khudbo ka jeedin doona Shirka Combating Piracy Week, iyadoo uu kaga hadli doono doorka Dowladda Puntland ee la dagaalanka burcad-badeeda.

 

 

–DHAMAAD–

—Communications Office
The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online