Markabkii Ugu horeeyey ee Lubnaan Xoolo u qaada oo Boosaaso ka shiraacaday
October 14, 2011 - Written byBoosaaso:-Waxaa shalay ka ambabaxay Dekkada weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Markab weyn oo nooca xamuulka ah kaas oo xoolo tiro badan u qaaday wadanka Lubnaan .Markabkan ayaa ah midkii ugu horeeyey ee xoolo u qaada wadanka Lubnaan waxaana arintaas si weyn u soo dhaweeyey ganacsatada gobalka Bari iyaga oo ku tilmaamay guul u soo hoyatay Ganacsatada reer Puntland.
Guddoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud oo Saxaafada kula hadlay Dekkada weyn ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in markabkaan uu ka yimid dalka Lubnaan uuna xoolo u qaadi doona Lubnaan .Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadaal faro badan ku bixiyeen Ganacsatada Puntland iyaga oo kaashanaya Maamulkooda in ay u suurto gasho in ay xiriir la sameeyaan ganacsatada dalka Lubnaan.
Dhanka Kale waxaa fududeeyey in ganacsatada Puntland ay xoolo u dhoofiyaan dalka Lubnaan Shirkada Somali Livestock sida uu saxaafada ka sheegay Gudoomiyaha Shirkada Cumar Ismaacil Waaberi .
Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shaaciyey in Dalka Masar dhawaan ay xoolo u dhoofin doonaan uuna iman doono maalmaha soo socda markabkii xoolaha u qaadi lahaa dalka Masar.Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsata reer Puntland in ay ka faa,ideystaan fursada badan ee jira.
M_M Deeq
Halgan.net