Puntland oo burburin ku bilowday guryo iyo meherado ku dhow Dekedda Boosaaso
October 19, 2011 - Written by
Boosaaso:-Ciidanka amaanka ee magalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka bilaabay in ay burburiyaan guryo iyo meherado ku dhow ku dekedda wayn ee magaaladda Boosaaso kadib markii ay dhamaatay muddo ay u qabteen Maamulka Puntland oo ahaa in 7 cishe looga guuro hareeraha Dekkada weyn ee Boosaaso.Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso oo ay weheliyaan kuwa daraawiishta ayaa ku bilaabay burburin guryaha iyo meheraha ku xeernaa Dekkada magaalada Boosaaso.
Guddoomiye ku xigeenka degmadda Boosaaso Siciid Cabdiraxmaan Maxamed (Xaggaa) oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in saaka goobaha la burburiyay ay qayb ka yihiin dhulka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay lahayd oo banaanaa oo ay degeen dadka Deegaanka iyo kuwo ka soo barakacay dagalada ka socda koonfurta Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka degmadda Boosaaso ayaa xusay sababta loo baneynayo hareeraha Dekkada Boosaaso in ay tahay in la balaariyo Dekkada weyn ee magaalada Boosaaso oo ah lafdhabarta ganacsiga Puntland iyo gobalada dalka oo dhan.Qaar ka mid ah dadwaynih laga burburiyay guryaha iyo goobahii ganacsiga oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay aad ugu yareyd mudada loo qabtay ayna aad uga xunyihiin in ay ka guuraan agagaarka Dekkada Boosaaso.
M_M Deeq
Halgan.net

.gif)

