Puntland oo burburin ku bilowday guryo iyo meherado ku dhow Dekedda Boosaaso

October 19, 2011 - Written by

Boosaaso:-Ciidanka amaanka ee magalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka bilaabay in ay burburiyaan guryo iyo meherado ku dhow ku dekedda wayn ee magaaladda Boosaaso kadib markii ay dhamaatay muddo ay u qabteen Maamulka Puntland oo ahaa in 7 cishe looga guuro hareeraha Dekkada weyn ee Boosaaso.Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso oo ay weheliyaan kuwa daraawiishta ayaa ku bilaabay burburin guryaha iyo meheraha ku xeernaa Dekkada magaalada Boosaaso.

Guddoomiye ku xigeenka degmadda Boosaaso Siciid Cabdiraxmaan Maxamed (Xaggaa) oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in saaka goobaha la burburiyay ay qayb ka yihiin dhulka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay lahayd oo banaanaa oo ay degeen dadka Deegaanka iyo kuwo ka soo barakacay dagalada ka socda koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka degmadda Boosaaso ayaa xusay sababta loo baneynayo hareeraha Dekkada Boosaaso in ay tahay in la balaariyo Dekkada weyn ee magaalada Boosaaso oo ah lafdhabarta ganacsiga Puntland iyo gobalada dalka oo dhan.Qaar ka mid ah dadwaynih laga burburiyay guryaha iyo goobahii ganacsiga  oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay aad ugu yareyd mudada loo qabtay ayna aad uga xunyihiin in ay ka guuraan agagaarka Dekkada Boosaaso.

M_M Deeq
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. waa raacsanahay wuxuu kahadlay real puntlander dhulka hada dhisan waaba ladhisay waxaan qabaa dhulkaan weli ladhisin in sharci lagasoosaaro oo aanladhisin dhul aan la abrove graynin(la,ogolaanin) sababtoo ah hadhoowdii waxaa dhicidoonta tan maanta dhacday ookale dawlada waaxdeeda dhulbixintu waa hawsheeda sihuffan uqabsataa iyo dhamaan hay adaha dawladu kakoobantahay oodhan by tartiibsade

  2. realpl waa runtaa puntland waxaa ka maqan urban planning magaalooyinka iyo xataa miyigii dadbaa dhagxaan iska dhigdhigtay oo ku doodaya lahaanshaha dhul cid siisay aysan jirin dad badana isku qabqabsi dhul ayey ku dhinteen,hadda dadkaan dekeda horteeda ayey ku habsadeen kkk taasa keentay in laga raro waayo dekeda ayaa la balaarinayaa ee haddii ay meel kale ahaan laheyd maba maqaleen,ugu danbeyn pl dowlad adag ayey u baahan tahay oo qoershe cilmiyeysan ku shaqeysa oo dadkaan sharciga ku soo dabaasha.

  3. Runtii PUNTLAND waxaa loo baahnaa dawladda Puntland inay la timaado plan iyo qorshe ama waxa la yriraahdo Permission Plan oo ciddii wax dhisanaysaa ay oggolaansho haysato.

    Maalin walba waxaan arkaynaa mawaadiniin hantidoodii iyo dhaqaalahoodii la burburinayo, taasi wax qabad ma aha ee waa wax burburin eedana dawladdaa leh. ninkaan muwaadin ka ah inuu sahaaystuu rabaa wadankana canshuur soo galiyo mana wax khalad ahna ma leh. waa in dawladdu magdhaw iyo boos kale siisaa mawaadiniinteeda.

Leave a comment

*