Puntlland oo ka hadashay Markab weyn oo ku soo xirtay Dekadda Boosaaso

October 7, 2011 - Written by

Boosaaso:-Wasiirka maaliyadda dowllada Puntland Faarax Cali shire ayaa shir jaraa.id oo uu ku qabtay magaalada Boosaso ee xarunta gobolka bari ayaa waxaa uu uga hadlay  Markab weyn oo ka yimid dalka Imaaraadka carabta oo dhawaan ku soo xirtay dekada weyn ee magaalada  Boosaaso. Wasiirka Maaliyadda dowllada Puntland Faarax Cali shire ayaa sheegay in Markabku uu sido agab u badan mucaawino ka kooban ilaa 400-Tan oo iskugu jira baabuur,bur, bariis, sonkor timir,dawooyin, biyo sifeeyaha , teendhooyin iyo qalab kale oo loogu tala galay in ciidanka Badda ee Puntlland ay kula dagaalamaan burcadbadeedka.

Wasiirka maaliyadda Puntland Faarax Cali shire ayaa  saxaafadda u sheegay in aysan ahayn markii ugu horaysay oo mucaawino noocaan oo kale ah ay dowllada Imaaraadka carabta ay soo gaasiiso degaanad Puntlland isagoo mahad balaarana u jeediyey  shacabka iyo dowllada Imaaraadka carabta,Wasiirka maaliyadda dowllada Puntland Faarax Cali shire ayaa sheegay in mucaawianada la gaarsiin doono dadka Baraka cayaassha ah ee ku nool deganada Puntlland iyadoo hadba loo eegayo sida ay u kala daran yihiin.

 Wasiirka maaliyadda dowllada Puntland Faarax Cali shire ayaa sheegay in mucaawinada ay dowllada Imaaradku ugu deeqday dowllada Puntlland ay qayb ka tahay  mucaawinada ay beesha caalamku ugu yabooheen dalka Soomaaliya oo xilgaan ay ka jirto abaar iyo colaad baahsan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,783 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>