Faahfaahin ka soo baxaysa khasaarihii ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

October 4, 2011 - Written by

Muqdisho:-Qarax xooggan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka xaruntii hore ee wasaarada Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho  iyadoo qaraxaan uu fuliyey nin  naftii hore ah oo watay gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa. Warar hordhac ah oo soo gaaray xafiiska warqabadka ee Halgan.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha DFKM iyo masuuiyiin kale ay ku dhawacmeen qarax walow arrinkaas aysan xaqiijin weli madaxda DFKM.

Gaariga Xamuulka ah ee qaraxa fuliyey ayaa waxaa saarnaa ilaa 2 nin oo iyagu markii hore damcay in ay weerarka la beegsadaan xarunta CID ee ciidanka DFKM sida laga soo xigtay askari ka mid ahaa ilaalada xarunta CID oo saxaafad u sheegay in gaarig ay dib u celiyeen ka dibna ay ka war helleen in qarax lala beegsaday  xaruntii hore ee wasaarada hargaha iyo saamaha.

Khasaaraha ka dhashay qarax ayaa la sheegayaa in uu gaarayo ilaa 30 dhimasho ah halka dhaawacu uu gaarayo ilaa 60 qof ku dhawaad, xarunta wasaaradada hargaha iyo saanaha ayaa waxaa deganaa ilaa 8 wasaaradood oo ka tirsan DFKM waxaan ka magacaabi karnaa wasaarada Arrimaha Dibadda, wasaarada Waxbarashada, wasaarada Caafimaadka, wasaarada Ganacsiga.

Warar isa soo taraya ayaa sheegay in qarax dhacay ay ku dhinteen arday ku sugnaa xarunta wasaaraha wax barashada hidaha sare iyo tacliinta halkaas oo ay u tageen si ay u soo eegaan  natiijooyinka Imtixaanaad ay dhowaanta galeen. Dhanka kale ilaa hadda ma jiraan Masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab oo sheegtay in ay iyagu ka danbeeyaan qarax lala beegsaday xarunta wasaarada Hargaha iyo saaamaha ee DFKM ee ay deganaayen ilaa 8 wasaaradood balse  saxaafad qaar ayaa qoray in masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay sheegteen in ay ka danbeeyaan qarax dhacay.

Goobta Qaxaru ka dhacay ayaa waxaa la arkeyey baabuurta gurmada oo ku sii jeeda goobta qaraxu ka dhacay halka ciidamo ka tirsan AMISOM iyo DFKM ay xireen dhamaan goobaha ku dhow dhow halka qaraxu ka dhacay

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahi

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online