Qarax ka dhacay degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho

October 19, 2011 - Written by

Qarax xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho iyadoo qarax uu ahaa nooc miinada dhulka lagu aaso ,qarax ayaa waxaa lala bartilmaamsaday ciidamo ka tirsan DFKM, ciidanka DFKM ayaa ka badbaaday qarax waxaan qarax ku dhawacmay ilaa 2 caruur ah oo ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay.

Ciidanka Al-shabaab ayaa weeraro dhinac miinada ku qaaday ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM 24-saac ee la soo dhaafay waxaan qaraxyadii u danbeeyey khasaaro iskugu jira dhaawac iyo dhimasho ay ka soo gaareen ciidanka AMISOM oo iyagu
baahiyey awoodoodii ciidan.

Shalay ayaa waxaa sidoo kale baabuur laga soo buuxiyey walxa qarxa lala beegsaday xarunta wasaaradda arrimaha dibedda ee DFKM waxaan ku dhinta 4 qof waxaan ku dhaawacmay dad gaaray ilaa 30 qof ,Saraakiisha Ciidanka DFKM ayaan iyagu ilaa hadda ka hadal qarax ka dhacay saaka degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,816 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>