Qorshaha duulaanka Kenya AMISOM iyo Itoobiya oo soo shaac baxay

October 21, 2011 - Written by

Muqdisho:-Halgan.net ayaa ilo xogogaal ah waxay ka heshay qorshaha duulaanka ay damacsan yihiin AMISOM Kenya iyo dalka Itoobiya kaas oo wajibo badan qaadan doona ilo wareedka ayaa u sheegay Halgan.net in dowlada Kenya la siiyey in ay duulaan ku qaado gobalka J/hoose iyo Ceelwaaq halka Itoobiya ay soo gali doonto gobalka Gedo , Bay Bakool,iyo Hiiraan.

Qorshaha labaad ayaa ah in AMISOM la geeyo gobalada Dhex Galmudug iyo Puntland loona tawabaro ciidamo duulaanka la qaada si weerar loogu qaado magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Uruka Al-Shabaab gaar ahaan Degmada Ceelbuur.

Masuulkan oo diiday in aan shaacino magaciisa ayaa u sheegay wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho in ciidamo ka socda AMISOM la geyn doono magaalada Gaalkacyo si ay bari taaraan Galmudug iyo Puntland.

Isbuucii la soo dhaafay ayaa ciidamo ka tirsan Puntland iyo Galmudg waxaa loo qaaday magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha si loo soo siiyo tababar ciidamadaas oo gaaraya ilaa 400 ,oo askari.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo la kulmay jaaliyaa Puntland ee UK ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM ay imaan doonaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Qorshahan ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatay DFKM gaar ahaan wasiirka G/dhiga iyo saraakiil ka tirsan Midowga Afrika oo bishii hore socdaal ku tagay Puntland Galmudg iyo gobalada dhexe .

Waxaa haatan si cad u muuqada qorshaha ay wadaan dalalka ka tirsan Midowga Afrika ay ku doonayaan in ay faragalin ku sameeyaan arimaha Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Waxaan U maleenayaa Wixii waligeed Lagu hamin jiray In la gaaray Waqtigooda, Hamigaas oo ah in somaliya La qeybsado Sanadadii la soo dhaafay oo dhan dadka waxaa laga daad gureynayay Wadanka gudihiisa,
    Kuwo Xabad Looga saaray Iyo Kuwo Gaajo Ka saartay, Maanta lakin Waa waqtigii Somaliya lala wareegi lahaa Oo African la wareegi laheyd.
    maskiinkii ka fakiraayo Ptland Kaliya waxaan oran lahaa shalay waxaad ku farxeysay Xamar oo bur bureysa Maanta Waase Na heysataa Hadii somali eynu nahay. haduu Caqliga somaliyeed Fiyow yahay Putland Waa nabad maxaa ciidan loo geenayaa ?? Waxaan Oran Lahaa Somaliyeey isqeybiska Dhaafa Oo U istaaga wadankiina Somaliyeed

    waxaan kaloo aad Ugu mahad celinyaa Bahda Halgan.net Waxaan idin leeyahay Noqda Kuwa Dalkooda Difaaca Xamaasad yeysan idin qaadin Wajazakumullah kheyran

  2. gaaladaan madoow maxaa gaalkacyo loo geeynayaa alshabaab waxba kama qaadi karto puntland ee meesha filin kalaa ku jira anigu koley raali kama ahi waana in loo sheega madaxweynaha pl dr faroole inuusan noo keenin nimankaas waa hadii uu diidi karo,haddii lagu qasbayana waxaad sugtaan waa pm lagu duqeeyo shacabka sida ay ka wadaan xamar.

Leave a comment

*