Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof.Cabdiweli Gaas oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

October 9, 2011 - Written by

Muqdisho, Sabti, October 9, 2011-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safari uu ku soo kala bixiyay dalalka Mareykanka, Denmark, Imaaraadka Carabta iyo weliba dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga soo qeyb galay shirar caalami oo looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa maanta markii ay dalka dib ugu soo laabteen waxaa garoonka diyaarad daha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhoweeyey golaha Wasiirada ee DFKM, maamulka gobol ka iyo dadweynaha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu halkaasi ku gacan qaaday mas’uuliyiintii soo dhoweysay.

no images were found


 
Ra’iisul Wasaare Prof. Cabdiweli ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay socdaalkiisii dheeraa wuxuuna ku nuux nuuxsaday inuu guul ku soo dhamaaday, isla markaana shrikii guud ee Q/midoobay ee ay ka soo qeybgaleen isaga iyo wefdigiisu ay jawi wanaagsan ku qaateen.

 Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Wakaaladdii Harkaha iyo Saamaha ee ay mashaqadu ka dhacday October 04,2011 kadib markii ay kooxda dhiigyacabka ah ee Khawaarijta Shabaab ay Qarax la beegsadeen halkaasna ku laayeen shacab tiradoodu kor u dhaafeysay 70 oo u badnaa Arday, wuxuuna R.wasaaruhu aad ula yaabay dhibaatada meesha ka dhac day iyo baaxada qaraxu saameeyey wuxuuna si gaar ah u dul istaagay bakhaar ay laheyd Wasaaradda Caafimaadka oo ay ku jirtay daawo taasoo ku baaba’day Qaraxa.

Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online