Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Gaas oo u dhoofay dalka Kenya

October 30, 2011 - Written by

Nairobi, Axad, Oktoobar 30, 2011 — Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya si uu kulamo ula qaato Madaxda dowllada Kenya Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Ra.iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca DFKM Xuseen Carab Ciise, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samada Macallim Maxamuud, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen, iyo taliyaha ciidanka DFKM S/Guuto C/qaadir Sh Cali Diini iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra.iisul wasaaraha.

Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof C/weli Maxamed Cali Gaas oo saxaafada kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in safarkodu uu ku saabsan yahay sidii dowllada Kenya iyo DFKM ay iskaga kaashan lahaayeen xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo mid milateriba si 2-badda ay uga foojignaadaan khataraha ku imaankara amaankood.

Safarka Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa ku soo beegmay xili diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay duqeeyeen degmada Jilib iyo Kudhaa iyadoo duqeyntaas khasaaro dhimasho iyo dhaawacba ay geysatay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online