Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof Gaas,Dowllada Kenya waa iska la shaqaynaynaa in aan la dagaalano Alshabaab.(Video)

October 25, 2011 - Written by

Talaado, Oktoobar 25, 2011 (Halgan) — Ra’iisul wasaaraha DFKM, Prof C/weli Maxamed Cali Gaas oo wareysi gaar ah siiyay maanta wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Canada ayaa sheegay inay dowlladiisu ay kala shaqaynayso in ciidanka dalka Kenya ay la dagaalamaan ururka Al-shabaab, Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof C/weli Gaas ayaa xusay in DFKM ay muhiim u tahay taageerada caalamka gaar haa Dowllada Kenya si meesha looga saaro ururka Al-shabaab oo uu ku eedeeyey in falal afduub ah ay ka geysteen gudaha dalka Kenaya isagoo sheegay in xeebaha Malindi iyo Laama ee ku yaal Kenya ay haawanayaan taas oo ay ugu wacan tahay afduubo ka dhacay goobahaas.

Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof C/weli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in dalka Kenya ay ku sugan yihiin ilaa 5000 kun oo soomaali qoxooti ah iyagoo ku nool  Dhadhaab taasna ay ugu wacan tahay in ururka Al-shabaab ay dadkaas qixiyeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Hadalka Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof C/weli Gaas ayaa aad uga mowqif duwan hadal shalay uu jeediyey Madaxweynaha DFKM Sh. Shariif oo xusay in DFKM iyo shacabkuba aysan raali ka ahayn in ciidamo Ajanabi ah ay dalka Soomaaliya soo galaan iyagoo wax ogolaasho ah aan ka haysan DFKM iyo Un-ka iyo IGAD.

Hoos ka Daawo waraysi kooban oo uu Star siiyey Raiisul Wasaaraha DFKM Prof Gaas

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online