Raisul wasaaraha DFKM Prof Gaas oo sheegay in qorshihii hirgelinta Raodmap uu meel fiican marayo

October 14, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ra;iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa sheegay in dhaqangelinta Roadmap ka ay meel fiican mareyso, waxuuna sheegay in muddada sanadka ah ee la heysto loo baahanyahay in beesha caalamka iyo Soomaalida ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii looga miro dhalin lahaa howlaha muhiimka ah ee na horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada ay golaha wasiirada ka doodeen, fikirkoodana ku dareen qorshaha, haddana ay socdaan dadaaladii maamulada dalka ka jira ay iyagana fikirkooda muhiimka ah ugu soo biirin lahaayeen si qorshaha uu u noqdo mid Soomaali oo dhan ay ka wada qeybqaateen isla markaana ay dhaqangelintiisana ka wada qeybqaataan si ay u sahlanaato in waqtiga noo haray aan si wada jir ah uga faa’iideysano.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada iyo maamulada dalka ay ka wada qeybqaataan qorshaha amniga tanoo uu sheegay inay sahleyso maamul wanaagga, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo madaxda caalamka iyo Qaramada Midoobay kulamo muhiim ah la soo qaatay ayaa u xaqiijiyey in Soomaalidu ay maanta diyaar u yihiin inay meel uga soo wada jeestaan sidii waddanka loo xasilin lahaa, ha yeeshee loo baahanyahay beesha caalamka inay labo laabaan dadaaladooda ku wajahan sidii dalka looga saari lahaa marxaladdan adag, waxuuna ka codsaday in loo baahanyahay in si deg-deg ah loo helo kaalmadii iyo tasiilaadkii lagu dhaqangelin lahaa roadmap ka.

Xafiiska Raysalwasaaraha
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online