Ráisul wasaaraha DFKM Pro.Cabdiweli iyo dhiggiisa Raila Odinga Oo Heshiis Kala Saxiixday(Daawo)

October 31, 2011 - Written by

Kenya:-War haatan naga soo gaaray  magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in DFKM iyo dowlada Kenya ay gaareen heshiis ka kooban ilaa 11 qodob ka dib markii ay maanta kulan ay yeesheen labada Raisulwasaare ee DFKM iyo Kenya.

Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya xafiiska Raisulwasaaraha DFKM Pro. Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa sheegaya in labada dowlad ay kala saxiixdeen kuna heshiiyeen qodobo muhiim ay ka mid tahay  in ciidamada dowladda ee ay soo tababartay Kenya ay hormuud ka noqdaan howlgallada ka socda J/hoose  iyagoo taageero ka helaya ciidamada Kenya  .

Heshiiska ay gaareen labada dowladood ayaa waxaa uu u qoran yahay sidan.

1. Howlgallada ciidamada Kenya ee Gudaha Soomaaliya waxa uu u jeedkiisu yahay ka hortagga hanjabaadaha Al-shabaab, ee ah in ay qal qalgelineyso amniga iyo dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo sida uu dhigayo qodobka 51-aad ee xeerka Qaramada Midoobay.

2. In laba dal ay iska kaashadaan ka hortagga dhibaatada Al Shabaaab iyadoo lala kashanayo wadamada Beesha Caalamka maadaama ay Al Shabaab tahay cadowga labada dal sida lagu qoray Warmurtiyeedka.

3. Howlgalkaan waxaa hogaaminayo ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamada Kenya, si ay bartilmaameedsadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayan Al-shabaab.

4. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa howlgallada ciidamada Kenya ee ay ku taageerayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo si daris wanaag ah iyo ka mid ahaanshiyaha Midowga Afrika uga qayb qaadanaya howgalkaasi.

5. Labada dowladood waxa ay isweydaarsan doonaan warbixinada ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Al-shaabab, iyadoo la dhisi doono guddi wada jir ah kuwaasi oo si gaar ah uwada shaqeyn doono, islamarkaana kulamo gaar gaar ah ku wada qaadan doono magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

6. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay sameyn donaan dib-lomaasiyiin labada dhinac ah kuwaasi oo u ololeynaya taageerada howlgalada bilowga ah, islamarkaana xubno ka tirsan kooxdaasi dib-lomaasiyiinta ah waxa ay kulan 1-da bisha November ku yeelan doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxa ayna safaro ku kala bixin doonaan caasimadaha labada dal.

7. Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la geyn doonaa goobaha laga sifeeyo Al-shaabab ee koonfurta Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo nabadgelyada deegaannadaasi, ayna u caawiyaan maamulada ay dowladda Soomaaliya ka hirgelin doonto Gobolladaasi.

8. Beesha caalamku waxa ay kaalmo beni’aadanimo oo deg deg ah gaarsiin doontaa goobihii dhawaan laga saaray Al-shabaab, iyadoo sidoo kale deegannadaasi ka hirgelin doonto xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho.

9. Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC waxa ay dowladda Soomaaliya ka caawin doontaa baaritaannada shaqsiyaadka dambiyada dagaal geystay ee Al-shabaab ka tirsan, sidii maxkamad loo soo taagi lahaa.

10. Beesha caalamku waxa ay keeneysaa taageero dhinaca farsamada iyo maaliyadda ee ku aadan xanibaadda isticmaalka dekadda Kismaayo, ilaa iyo inta Al-shabaab laga saarayo Magaalada Kismaayo.

11. Dowladda Kenya marnaba wada xaajood la gelimeyso Al-shabaab, balse dowladda KMG ee Soomaaliya waxa ay u madax banaan tahay in ay wada hadalo la yeelato Al-shabaab, iyadoo laga tixraacayo heshiisyadii Jabuuti iyo kii Kampala oo ay taageereen Urur gobolleedka IGAD iyo Midowga Afrika.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waan arag naa calanka kenya ee aaway calanka somalia ihaano intaa le eg waligay ma arag mise kenya ma ictirafsano tfga

Leave a comment

*