Saraakiil hor dhac u ah Shirkii labaad ee wadatashiga wajigiisii 2aad oo gaaray Garoowe

October 1, 2011 - Written by

Garoowe:-Waxaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wafdi uu horkacayo taliyaha Ciidanka Xoogga DFKM Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi ka socda QM iyo AMISOM  waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madax ka tirsan dowlada Puntland. Taliyaha Ciidanka Xoogga DFKM Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa saaka kulamo kala duwan la yeeshay Madax ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo la sheegay  inay ay ka wada hadleen ciidamo loo tababari doono Puntland iyo kuwa DFKM  iyo sugida amaanka deegaanada Puntland.
 
Saraakiisha ka socota QM iyo AMISOM ayaa waxay u kuurgaleen xaalada amaanka ee magaalada Garoowe waxayna soo kormeereen xarun loogu talo galay in lagu qabto shirka wadatashiga ee uu wajigiisa labaad ka dhici doono magaalada Garoowe.  

Shirka wadatashiga ayaa waxaa lagu qabtay wajigiisii koowaad magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaana ka soo qeyb galay wufuud ka kala socota Puntland ,Galmudug,  TFG iyo ahlu Suna .Bishaani gudaheeda ayaa la filayaa in lagu qabto shirka wadatashiga oo ay hurmuudka ka tahay QM magaalada Garoowe .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online