Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka digay in qof muslin ah la iska dilo ama la qarxiyo.(Video)

October 16, 2011 - Written by

Laascaanood:-Waxaan caawa u soo gudbinaynaa Akhristayaasha Mareegta Halgan.net Muxaadaro uu jeediyey Fadiilatu Sh.C/naasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee waaweyn uuna ugu magacdaray xifdinta nafta qofka Muslinka ah ,Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa waxaa uu ku nool yahay magaalada Laascaanood ee xarunra Gobolka Sool. Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed  ayaa waxaa uu muxaadaradan aad uga hadlay khatarta ka dhalan karta in qof muslin ah la dilo ama la isku qarxiyo isagoo Shikhu uu ka sheekeeyey kooxo ama jamaacaad Islaami ah oo arrinkaas ku dhacay kuna fidnoobay, Shiikh Cabdi Nassir Xaaji Axmed  ayaa ku tilmaamay in la dilo ama la isku qarxiyo qof muslin ah ama bulsho Islaam mid munkar ah oo aan diinta ku banaanayn.

Shiikh CabdiNaasir ayaa xusay in shareecada Islaamku ay ku banaan tahay in qofka  muslin ah la dili karo arrimo gaar ah oo shareecadu ay banaysay sida qof qof muslin ah dilay ama qof soo maray guur oo sinaystay isagoo Shiikh uu cadeeyey nasuus badan iyo aqwaal culimo oo arrinkaas ku soo arooray.

Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wixii qofka Islaamka lagu nabad gelin jiray oo ay ka mid tahay Salaad ay maanta iska fududaatay oo qofkii oo salaad soo tukaday kana soo baxay Masjid in la dilo, Shiikh Cabdinassir Axmed ayaa waxaa uu horay u jeediyey Sisilatu muxaadarad uu uga hadlay Alwalaa Walbaraa  oo aan horay u soo gudbinay.

Hoos ka Dhagayso Muxaadarada Shiikh Cabdi Naasir Xaaji Axmed oo Video ah


Halgan.net

 

8 Comments so far

Leave a comment

  1. sc shiikha ilaahay kheyr haka siiyo muxadarada qayimka ah ilahhayna hainagu anfaco waxaan jeclaan lahaa madama arintu weyntahya umadiina ku dhmaatay culimadu inay kasoo saaran fatwo jamaaci ah wsc

  2. maashaa allaah..allaah culimada ha inoo xifdiyo diintaan culimo ayuu alle ku xifdiyey, oo uga dhigay difaaca ugu weyn ,wa illaa beri hore ayaa la waayi lahaa oo ay iska noqon lahayd sida kuwa reer banii israaiil ay siday doonaan ka yeelaan oo kolba qeyb taxriifiya, sidoo kale ayaa afkaarta inxiraafsani iyaduna u bedeli lahayd diintan xanafiyada ah hadii aanu alle u istaajin culimo goor kasta xaqqa cadeysa.
    Bal u fiirso inta afkaar haddaama ah soo martay ummaddan islaamiga ah fii-marri taariikhihaa, ee mid kastaayi diinta islaamka u nisba sheeganaysay…oo ummad badani ku inxiraaftey intaas oo dhan allaah culimo ka hortegeysay afkaartaas badilka ah ee qaarkood shaarar aad u qurux badan watey ka hortagta ayuu diyaariyey oo aan xaqqa uga gabban nin dagaalama dagaalkiis… waa hadal biyo dahab ah ku qoran oo culimadu kala dhaxleen indiintaan labo goor ay xaraj iyo ciriiri gashay uu ku badbaadiyey mawqifka culimadeedii rabbaaniyiinta ahaa:
    1-waa marka 1aade waa markii nebigu csw geeriyooday ee jazeeratul-carab intoodii badneyd ay ka riddowdey islaamka waxaa alle u soo saarey oo mawqif aad u adag ka qaatay abuubakar assadiiq RC oo ahaa khaliifkii muslimiinta oo kusoo celiyey jidkeedii toosnayd..
    2-waa tan 2aade markii iyaduna dhacday fitnadii khalqul-qur’aan ee waliba khulafadii muslimiintu ee markaas tabanniyeen fikirkaas isaga ah waa firqadii muctaziladee ee ay gaartey in khulafadii markaas oo uu ugu caansanaa muctasim billaah uu soo aruuriyo culimadii muslimiinta si loogu qasbo inay qaataan fikirkaas isaga ah ee baadida ah, culimadiina u kala qeybsantay wax carara,wax xeeladeysta oo naftoodii u baqqa iyo wax la laayo, waxaa isagana alle usoo saarey Axmed bin xanbal oo keligiis muwaajaheeyey culimadii muctazilada iyo khulafadoodiiba oo ugu darnaa ma’muun kana diidey in uu qaato fikirkooda xaqana uu ka cadeeyey hortooda illaa cadaab kasta ay dhadhansiiyeen oo uu noqday jabal aan dhaqaaqin oo dabayluhu liicin waayeen, kuna adkeystay in qur’aanku yahay hadalkii ilaahay uusanna ahayn makhluuq, ugu dambeystiina alle isagii guushii siiyey illaa ay ka halaagsameen wixii fikirkaas watey, Al-Imaam axmed bin xanbalna alle ka badbaadiyey fitnadaas dadkiina alle ku badbaadiyey isaga xaqqa uu ku sugnaadey, labadaas goorba diintu xaraj ayaa ay gashay allena rijaashaas ayuu ku badbaadiyey.

    Hadaba tan soomaliya ka dhacday casrigaan iyo dhammaan caalamul-islaami waa mid aan sokeynin afkaartaas iyada ah ee dhalanrogtay diintii, runtiina aadka u quruxbadan markaad u fiirsato, taasoo khatar badan ku keemtay islaamkii iyo muslimiintiina, waa fikirkaan takfiiriga ah ee lala ordayee ee waliba la isku dayay in culimadii iyo caamadiiba isku si loogu khasbo illaa qofkii ka hadlaayi la gaarsiiyo laba xukun mid uun oo ah ama gaalnimo ama jaajusnimo labadana lagu banneystay dhiigii qaaliga ahaa ee muslimiinta uuna noqday mid ilaahay loogu dhowaado, ilaahayse waa diiday taas oo wuxuu usoo saarey culimo xaqqa u istaagtey oo yiri..MAYA…”yeeli mayno waxaani waa fitno ka mid fitnooyinkii muslimiinta soo maraya ee sidaan halaga joogo oo dhiigga muslimiinta ha la badbaadiyo” khaasatan culimada soomaaliyeed oo marna aan ka istaagin inay ummadda xaqqa u cadeeyaan, waxaan leenahay marka alle ha noo dhawro culimadaas, waxaa kale oo aan bogaadinaynaa allena ajar iyo thawaab fara badan uga baryeynaa walaalaha maamulka halgan.net oo aan dhihi karo door laba jibbaaran ayaa ay ka geysteen oo aan ka sokeyn kan culimada maadaama ay u istaageen nashrinta xaqqa culimadu cadeeyaan oo ay xaqiiqo tahay inaanay dhaafeen kaliya inta dhegeysanaysa oo kaliya ee markaas culimada horjoogta(masaajidda) laakiin iyagu waa reer halgan.netay caalamka oo dhan gaarsiiyeen oo waraf meel kasta ku tuura u sameeyeen, allena uu ku hanuuniyey dhalinyaro badan oo xiiro iyo shukuuk ku gamaamadneyd…waxaan leeyahay marka juziitum kheyran reer halgan.net wa buuriktum…

  3. asc. maasha allah waa muxaadaro qiimoweyn oo inoo soo jeediyay sheekha kamidka ah culumada waa weyn ee sheekh cabdinaasir ilaahay ha xifdiyo isaga iyo mashaaikhda kale,ilaahay dadka soomaliyeed si guud haka dhigo dad ay anfacdo muxaadaradan iyo muxaadarooyinka ay soo jeediyaan culimada waa weyn ee ay ku eedaynayaan ficilkan diinta lagu majarahabaabinayo, halgan.net waxaan odhanayaa ilaahay ajar idinna haydinka siiyo sida aad usoo bandhigaysaan diinta waanan idinku baraarujin halkaa kasii wada allaa macak

  4. asc walalaalayaal culumadu wey kumahadsanyihin sida ay ugahadleen qaraxii dhawaan ka dhacey muqdisho su.aashu waxey tahey maxey culumadu uga hadli la.yihin xasuqa ay Ciidanka AMISOM ku heyso umada soomaaliyeed oo muslimka ah waligeyna ma.arkin qaraxaas juhdiga ay ku bixiyeen iyaga oo ku bixinaya gaalada kusodushey dalka soomaaliya

  5. asc salaan kabacdi waxan aad iyo aad idiinka mahad celinayaa bahda halgan net muxadaraadka qayimka ah ee aad noo soo gudbisaan runtii sheekh abdinaasirna ilaahay haka abaal mariyo sida cad ee uu xaqa u bayaaniyey waa muxaadaro ku saabasan waaqica maanta ka taagan caalamka islaamka siiba dalkeena waxan kaloo idinka codsanayaa in aad faafisaan muxadaradan iyo kuwii ka horayeyba iyagoo cajlado ah iyo siidiyo waayo walaalayaal baahi weyn ayaa loo qabaa sidan horay u sheegnay waxa la arkaa in ilahay shabaab badan ku hanuuniyo

  6. asc salaan kabacdi waxan aad iyo aad idiinka mahad celinayaa bahda halgan net muxadaraadka qayimka ah ee aad noo soo gudbisaan runtii sheekh abdinaasirna ilaahay haka abaal mariyo sida cad ee uu xaqa u bayaaniyey waa muxaadaro ku saabasan waaqica maanta ka taagan caalamka islaamka siiba dalkeena waxan kaloo idinka codsanayaa in aad faafisaan muxadaradan iyo kuwii ka horayeyba iyagoo cajlado ah iyo siidiyo waayo walaalayaal baahi weyn ayaa loo qabaa sidan horay u sheegnay waxa la arkaa in ilahay shabaab badan ku hanuuniyo walakum alfadlu fii haadaa

  7. jazaakumulahu khayraa culimadu dawr koodii gutee qaylada kor u qaadee laakiin dhagihii hanuusan baa waan sama halkaas ka wada ilaalinta dhiiga muslimka iyo ka hortaga fikirkan qaldan ee foosha xun

  8. جزى الله شيخنا خيرا كثيرا

    waxaan shaki kujirin in culimadii hadashay mudona qaylinaysay , suaashuse waxay tahay yaa maqlaya!!!

    sheekha muxaadaraadkiisii mudaaharada wax badan baa laga faaiiday.

    halgan.net halkaas hawsha ka wada culimada duruustoodana keena .

Leave a comment

*