Sh Maxamed Cabdi Umal oo caawa mar kale ka hadlay sharafta dhiiga qof Muslinka ah.(Dhagayso)

October 12, 2011 - Written by

Nairobi:-Shiikh.Maxamed Cabdi Umal oo ka mid culimada dalka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada dalka Soomaali yana aad looga yaqaan ayaa mar kale caawa si adag uga hadlay qaraxii ka dhacay Muqdisho iyadoo shiikhu Umal uu maalintii talaada ee la soo dhaafay uu kaga hadlay Masjidka Al-furqaan ee magaalada Mombaza u sheegay inaysan marna aysan banaaneyn in si sharci daro ah loo daadiyey dhiiga dadka muslimiinta ah.

 

Shiikh.Maxamed Cabdi Umal ayaa caawa si qoto dheer uga hadlay fikriga xad gudbay ee khilaafsan Manhajkii Salafka ee Ahlusunaha fikrigaas oo si fudud u banaystay dhiiga dadka Muslimiinta , Shiikh Umal ayaa yiri waa wax laga naxo in dalkeenii iyo dadkeeni ay u dhexeeyaan mid u adeegaya gaalo iyo mid fikri xadgudbay wata oo banaystay dhiiga muslimiinta intii uu arrinkaas ka fogaan lahaa.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka digay in dadka muslimiinta ay hiil iyo hiiladooda ay siiyaan gaalada iyadoo shiikhu uu sheegay in arrinkaas qofka diintiisu ay ku lumayso wax guul laga gaarayna aysan jirin gaalo la mood in ay soo wadaan wanaag
isagoo arrinkaas uga digay kuwa wax mooday gaalo kana fogaaday shareecadii Islaamka.Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jirto koox iyana xadgudubtay oo iyagoo is leh u gargaara diinta Islaamka  ay xadgudub sameeyaan taas oo dhaawacaysa shareecada Islaamka iyo dariiqii toosnaa  ee ay mareen Ahlusunaha

 Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in aysan marna banaanay in qofka naftiisa dila isagoo markaas dilaya dad muslin ah Shiikha Umal ayaa ku waaniyey dhalinyarada in ay ka fogaadaan in ay dilaan naftooda diintan ay bartaam kana fogaadaan in falka ay ku kacaan ay alle uga fogaadaan.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa ku waaniyey da,yarta in ay alle u laabtaan kna xirmaan culimada waaweyn bartaana diinta islaamka kana fogaadaan fal ay is leeyihiin jano baad ku galaysaa oo hadhow ku rida naar ,Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa u amaanay dhalinyara in diinta u xamaasoodaan balse xamaasadoodu ay ku dhisaan cilmi kana fogaadaan xadgudubka.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sheegashada dilka dadka musliminta ah arrinkaas oo uu yiri shiikhu waa wax aad looga naxo, Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa ugu baaqay in dadka noocaas ah in ay alle u toobad keenaa bartaan shareecada Islaamka.

Hoos ka dhagayso muxaadarad sharta dhiiga qofka muslinka ah Sh Umal

[audio:http://halgan.net/Mp3/sharaftadhiigamuslimka.mp3]

 Halgan.net

Leave a comment

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online