Sh. Xassan Cabdullaahi Xirsi (Xassan Turki) oo ka hadlay dagaalka ka socda J/Hoose

October 17, 2011 - Written by

Kismaayo:-Sh. Xassan C/llaahi Xirsi (Xassan Turki) oo ka mid ah hogaamiyaasha ruuxiga ah ee ururka Al-shabaab ayaa mar uu la hadlay saxaafada waxaa uu sheegay in ciidanka dalka Kenya ay ku soo duuleen dalka Soomaaliya soona galeen xadka Soomaaliya isagoo wacad ku maray in ciidanka Kenya iyo xulufadoodu ay ku jabi doonaa dagaalka gardaradah ee ay ku soo qaadeen dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobollada Jubooyinka.

Shiikh. Xassan Cabdullaahi Xirsi (Xassan Turki) ayaa  in mudo ah aan laga maqal saxaafada isagoo ku sugnaa degaano ka mid ah Jubooyinka ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday Gobollada Jubooyinka ,dagaalka oo u dhexeeya ururka Al-shabaab  ciidanka DFKM iyo ururka Raaskaambooni oo uu madaxda u yahay Axmed Madoobe.

Sh. Xassan Cabdullaahi Xirsi (Xassan Turki) ayaa ugu gooodiyey in ciidanka dalka Kenya ay la gali doonaa Mujaahidiinta dagaal ay ku jabi doonaa isagoo ugu baaqay ciidanka Al-shabaab iyo shacabka Soomaaliyeed in ay dagaal ugu hortagaan ciidanka Kenya iyo xulufadooda .

Sarkaal u hadlay ciidanka dalka Kenya ayaa qiray in ciidankoodu ay ka talaabeen xadka Soomaaliya isagoo cadeeyey in ciidan koodu ay la dagaalami doonaa ururka Al-shabaab , Dhinac kale DFKM ayaa igu beeniyey in ciidamo ka tirsan dalka Kenya ay soo galeen xadka Soomaaliya kana barbar dagaalamayaan ciidanka huwanta ah ee dagaalka kula jira ururka Al-shabaab.

A/Cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waxaan u yarkaa in dalkiiloodhan jiray soomaliya uu cadawgu u tashaday uuna u baahan yahay difaaca iyo ciddii dalkan lahayd in ay tashato

Leave a comment

*