Shirka guddiga wadajirka ah ee ammaanka Soomaaliya (JSC) oo ka furmay Muqdisho

October 27, 2011 - Written by

Muqdisho, Khamiis, Oktoobar 27, 2011 Waxaa saaka ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya shir loogu magacdaray Shirka guddiga wadajirka ah ee ammaanka Soomaaliya (JSC) oo ay ka soo qayb galeen DFKM, Puntlland , Gal-mudug iyo Ahlusuna Wal-jamaaca, shirka ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga, Taliyaha ciidanka AMISOM Maj-Jen. Fred Mugisha.

Shirka ayaa waxaa furay ra’iisul wasaaraha DFKM , Prof C/weli Maxamed Cali Gaas wuxuuna xusay in uu aad ugu faraxsan yahay in marki 3aad lagu qabto magaalada Muqdisho Shirka guddiga wadajirka ah ee ammaanka Soomaaliya (JSC) isagoo mahad u celiyey beesha caalamka iyo ciidanka Midowga Afrika ee gacan ka siiyey DFKM in ay la wareegto inta badan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha DFKM , Prof C/weli Maxamed Cali ayaa ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in gobollada dalka laga xoreeyo Al-shabaab isagoo cod u jeediyey beesha caalamka in ay arrinkaas ka saacido.Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay guulaha ay gaareen ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM isagoo sheegay in ay muhiim tahay in amaanka dalka Soomaaliya dhamaantiis la sugo. Taliyaha ciidamada AMISOM Maj-Jen. Fred Mugisha ayaa sheegay in ciidankisu ay diyaar u yihiin in ay sugaan amaanka magaalada Muqdisho iyo in ay DFKM ku taageeri doonaan in ay la wareegaan Gobollada dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa 2 maalmood waxaan la filayaa in ay hadalo ka jeediyeen wufuud ka socota Puntlland, Gal-mudug iyo Ahlusuna Waljamaaca, Shirkaan ayaa waxaa uu ku soo beegnayaa xili ciidanka Dowllada Kenya ay duulaan ku qabsatay degaano ka tirsan Jubada Hoose iyagaa ku goodiyey in ay la wareegi doonaa magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online