Golis oo Hadiyado gudoonsiisay Dhakhaatiirtii Turkida ahayd

October 1, 2011 - Written by

Bosaaso: Xaflad si weyn loo soo agaasimey  ayna soo qabanqaabisey Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland islamarkaana aay maalgaliyeen 3 Shirkadood oo ganacsi oo Shirkada Golis ay ka mid tahay ayaa habeenimadii Jimacahu soo galayey ka dhacday Hoolka Shirarka ee Hotel Juba Bosaso.

 
Xaflada oo ayaa waxaa  ka soo qayb galay Masuuliyiin farabadan oo aay ka mid ahaayeen Wasiiro,Masuuliyiin Heer gobol, Ganacsato, Culimo iyo dhalinyaro. Xafladaan oo ahayd martiqaad iskugu jirtey marxabayn, mahadnaq iyo  sagootin dhakhaatiirta turkida ah loo sameey   ayaa  Shirkada Isgaarsiinta Golis waxay hadiyado qiime leh gudoonsiisey dhakhaatiirta, Rugta Ganacsiga ayaa sidoo kae  gudoonsiisey hadiyado qiime badan oo ka koobnaa Xabagta qaaliga ah ee maydiga,macawiso iyo alaabo dhaqanka ah oo qiime badan.

no images were found

 Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis oo halkaas kalmad kooban ka jeediyey ayaa u mahad celiyey dhakhaatiirtaas iyo hayadaha aay kasocdaanba isagoo bogaadiyey dowrka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed aay u hayaan taasoo uu xusey inay taariikhda xusi doonto.

 Xafladaas ayaa kusoo gabagabowday jawi farxad iyo rayn rayn  iyadoo  wafdiga dhakhaatiirta  turkida ah aay si weyn uga mahad-naqeen uga maqsuudeen sida sharafta iyo maamuuska leh ee loo soo dhaweeyay.

 Ashkir Nuur
Boosaaso,Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online