Taliyihii ciidanka ilaalada Hay’adaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan oo geeriyooday

October 9, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa xalay ku dhintay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Taliyihii ciidanka  ilaalada Hay’addaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan. Taliyaha ayaa u dhintay dhaawac shalay ka soo gaaray weerar ay la beegsadeen dablay hubaysan oo gaaray ilaa 4 dabay ah.  Taliyihii ciidanka ilaalada Hay’adaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan  ayaa shalay loo qaaday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo si loogu daweeyo waxaan lagu qaaday diyaarad , Takhaatiirta Isbitaalka Gaalkacyo ayaa isku dayey in ay wax qabtaan dhaawaca taliyaha balse dhaawiciisa oo ahaa mid culus oo dhinac madax ah ayuu dhintay xalay.

 Taliyihii ciidanka ilaalada Hay’addaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan ayaa shalay waxaa lagu weeraray agagaarka afar irdood ka ee xaafadda New Bossaso waxaan soo gaaray dhaawac culus isaga iyo nin ilaalo ah oo la socday,dilalka  ka dhaca Boosaaso ayaa inta badan ah kuwo salka ku haya aanooyin qabiil iyo mid siyaasadeed oo ay fuliyeen koox doonaysa in ay wiiqaan nabadgelyada ka jirta degaanada Puntlland.

 Taliyihii ciidanka ilaalada Hay’addaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan  ayaa waxaa uu ka mid ahaa Ciidankii Booliska ee Soomaaliya waxaan uu xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha ciidanka ee Puntlland,marxuunka ayaa la filayaa in lagu aaso maanta magaalada Gaalakcyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa weerarka lagu qaaday Taliyihii ciidanka ilaalada Hay’adaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan waxaa uu u qabtay ilaa 5 qof oo mid ka mid ah uu qirtay in uu ka mid ahaa 4 ruux oo ka danbeeyey weerarka
lagu dilay Taliyihii ciidanka ilaalada Hay’addaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online