Wafdi ka kooban Isimo iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland oo gaaray Rako.

October 6, 2011 - Written by

Qardho:-Wafdi ka kooban Isimo waxgara iyo wasiiro ka tirsan Puntland ayaa maanta gaaray degmada Rako ee gobolka Karkaar si ay u soo afjaraan iska horimaad dhexmaray laba beelood oo walaalo ah oo wada dega goblaka Karkaar .Odayaasha iyo Isimada Gobalka ayaa ku guuleystay in ay joojiyaan colaadii ka dhextaagneyd labada beelood.

Wafdiga dowlada Puntland ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Jen C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) waxaana sidoo kale socdaalka ku weheliya Wasiir ku xigeenka Wasaarada cadaaladda iyo arimaha diinta Maxamuud Xaaji Siciid .

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Jen C/laahi  Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa waxaa uga sii horeeyey degmada Rako ciidamo iyo taliyo ku xigeenka Booliska Puntland waxaana lagu wadaa in galabta ay bilaawdaan gogal lagu nabadeynayo labada beelood oo ay dirirtu dhexmartay.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online