War deg deg ah Dagaal culus oo haatan ka socda Degmada Dayniile

October 21, 2011 - Written by

Muqdisho:-Dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidanka Al-shabaab iyo AMISOM ayaa caawa ka socda Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir,dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ay ciidan ka Al-Shabaab laba jiho ka soo weerareen Degmada Dayniile.
Dagaalka caawa ayaa ah mid aad u xooggan waxaana la isku ridayaa hubka noocyadiisa kala duwan wariyaha Halgan.net oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in caawa magaalada Muqdisho laga seexan la,yahay madaafiicda iyo BM ay ridayaa ciidamada AMISOM kuwaas oo ku dhacaya meelo ka baxsan goobaha lagu dagaalamayo.

Wararkii ugu danbeeyey ee uu na soo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay horumar weyn ka sameeyeen dagaalka caawa ka socda magaalada Muqdisho ayna qabsadeen goobo muhiim ah iyo hub faro badan.

Wixii wara ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

A/Cawale
Muqdisho
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,782 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>