Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

October 10, 2011 - Written by

Muqdisho:-Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxa dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaa qaybo ka mid ah degmada Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa qaboobay xili ilaa saaka uu dagaal ka xoogiisa ka socday Carafaat iyadoo dagaalku uu noqday mid xaafadaha lagu dhex  dagaalamayo. Sarkaal u hadalay Al-shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Abaa ayaa saxaafada u sheegay in weeraro culus oo kaga yimid dhinac ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ay saaka is difaaceen iyagoo dabin u dhigay ciidanka AMISOM ka dib  markii ay fariisamo dhowr ah ay ciidankooda ka saareen si ay isku baahiyaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM taasna waxay noo sahashay buu yiri in aan weeraro kale duwan kaga qaadno dhowr jiho khasaaro xooggan aan gaarsiino ciidan ka AMISOM iyo kuwa DFKM.

Sarkaalka u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay madaafiic iyo hub culus ay ridayeen ay ku dhinteen dad rayid ah iyadoo mid ka mid ah Madaafiicda ay ridayeen ciidanka AMISOM uu ku dhacay dugsi quraan  iyadoo uu ka dhashay  khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhinac kale Abaanduulaha ciidanka DFKM Gen. C/kariin Yuusuf  Dhegabadan oo shirjaraaid ku qabtay  magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidankiisa oo gacan ka hellay kuwa AMISOM ay saaka la wareegan gacan ku haynta Ex Control Balcad,Isgoyska, Isbitaalkii SOS, Warshadii Baastada, Saldhiga Degmada, Shineemo Cabdi waayeel ilaa qubuuraha barakaat. Abaanduulaha ciidanka DFKM Gen. C/kariin Yuusuf  Dhegabadan ayaa sheegay in dagaalka uu sii socon doono ilaa iyo inta ay ciidanka Al-shabaab ay ku kala baxayaan magaalada Muqdisho.

Ciidanka AMISOM oo qayb ka ah dagaalka ayaa saaka waxaa ay madaafiic culus iyo Taangi yo u adeegsaday dagaalka waxaan ay taasi sababtay in ciidanka Al-shabaab ay ka baxaan fariisamo badan oo ay kaga sugnaayeen Degmada Yaaqshiid iyo Huriwaa iyagoo saxaafada u sheegay in xeelad dagaal ay  uga baxeen si ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM isku baahiyaan.

Ilaa hadda ma jirto tiro rasmi oo ku saabsan khasaaraha kala gaaray ciidanka Al-shabaab iyo kuwa ciidanka DFKM oo gacan ka hellay ciidanka shisheeyey ee AMISOM iyo dadka rayidka ah oo dagaalku uu ka dhacay xaafadaha ay deganaayeen oo bur bur uu ka soo gaaray Madaafiicda iyo BM-ka ay ridayeen ciidanka AMISOM.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online