Wargeyska The Standard oo qoray in ciidanka Kenya ay dileen 75 askari oo Al-Shabaab ah

October 19, 2011 - Written by

Kenya:-Ciidamada  dalka Kenya ee sida xadgudubka ah uga talaabay xadka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 75 askari  oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ka dib markii ay duuleen ku qaadeen deegaanka Qooqaani iyo Taabta .

Sida uu daabacay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa  cadadkiisa  soo baxay maanta waxaa uu qoray in ciidamada Kenya ee haatan ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose sida Qooqaani Iyo Taabta ay dileen 75 askari oo ka tirsan Al-Shabaab sida uu wargeysku qoray.

Wargeyska The Standard ayaa sidoo kale qoray in ciidamada Kenya ay gacanta ku dhigeen  laba qof oo ah British citizens oo asal ahaan ka soo jeeda Pakistaan iyo Soomaali sidoo kale Wargeyska The Standard ayaa sheegay in diyaaradaha dalka Kenya ay dulheehaabayaan Degmada Afmadow dagaalkana ay ku jiraan

Afahayeenka Ciidamada Raaskambooni CabdiNaasir Seeraar ayaa u sheegay Wargeyska The Standard in ay ciidamadooda ku sugan yihiin Libaax CAG oo 12Km u jirta Afmadow Roobab Mahiigaana ay hakiyeen Weerarkii ay ku qaadi lahaayeen Degmada Afmadow.

Afhayeenka Ciidamada Milatariga ee dalka Kenya Emmanuel Chirchir ayaa waxaa uu u sheegay Wargeyska The Standard in ay duulaan ku yihiin Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayna ciidamada soo laaban doonin inta ay hadafkooda gaarayaan.

Ciidamada dalka Kenya ayaa duulaan cad ku soo qaaday Soomaaliya isaga oo marmarsiyo ka dhiganaya la dagaalanka Al-Shabaab balse leh ajando tiro badan .Ururka Al-Shabaab ayaa difaac ka galay Degmada Afmadow isaga oo ciidamadiisa ay isku qeybiyeen kooxo yar yar.

Halkan Ka Akhriso Wargeyska The Standard Cadadkiisii maanta

VOA ayaa wareysi ka qaaday aabihii dhalay wiilka Soomaaliga ee lagu qabtay Lamu hoos ka dhageyso.

http://www.voanews.com/somali/news/Wareysi-Aabaha-wiil-Kenya-lagu-Qabtay-132115738.html

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online