Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise oo sheegay in ciidamo AMISOM ah Imaanayaan Puntlland

October 25, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa waxaa uu maanta saxaafada ka howl gasha Puntlland waraysi uu siiyey waxaa uu xaqiijiyey in dowllada Puntlland ay soo dhaweynayso qorshaha ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ciidamo ku keenayaan degaanada Puntlland. Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in DFKM iyo Midowga Afrika ay ka dalbadeen in ciidamo AMISOM ah la keeno Puntlland arinkaasna ay ogalaan sho ka sugayaan welise aysan wax jawaab ah hellin.

Wasiirka amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa ku nuuxnuuxsaday in amniga Puntlland uu fiican yahay marka laga reebo beelo mar mar isku dhac arrinkaas oo ay dowllada iyo Isimada Puntlland ay ku jiraan xalintooda. Wasiirka amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa been abuur ku tilmaamay in hishiiskii Gaalkacyo ku dhexmaray dowllada Puntlland iyo maleeshiyaad beeleed degaanka ah in uu fashilmay Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo beeleed lagu daray dowllada iyo kuwo baro cayiman la geynayo maalinta beri ah arrin kaasna ay howsheedu ay socoto.

Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa yiri “Ciidamada Midawga Afrika ee imaanay Puntlland waa qorshe ay wataan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo dowlladaha dariska ah waan arrin ay soo dhaweeyeen madaxda dowllada Puntlland, Wasiirka ayaa ku dooday in qorshuhu uu yahay mid ay wataan Qaramada Midoobay iyo Miowga Afrika.”

Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ku dooday in ciidanka Puntlland ay ku filan yihiin amaanka degaanada Puntlland balse qorshaha ay ciidanka AMISOM ku imaanayaan Puntlland uu yahaya qorshe ay wataan Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay Puntlland ma diidi karto ayuu yiri Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan.

Ciidanka AMISOM ayaa hadda waxaa ay ka howl  galaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaan ay taageeraan DFKM iyagoo dhibaatooyin  fara badan u geystay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho  gaar ahaa waxaa ay madaafiic iyo hubka culus ku garaacaan xaafadaha magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin dadka rayidka ah ciidanka Al-shabaab ayaa dagaal kula jira DFKM iyo ciidanka AMISOM waxaan maalin walba lagu qaadaan ciidanka AMISOM weeraro joogta ah oo ay kaga jawaabaan in ay duqeeyaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

M_M_Deeq
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. haddii dadka pl amaanka ka shaqeyn waayeen oo ciyaal bistoolado dad cuqdadeysani u soo dhiibeen ay dadka gaalkacyo iyo boosaaso ku laynayaaan,haddii dagaalo beelbeel ah looga taag waayey,maxaa ku diideysaan in ciidamo shisheeye ay dowladu u yeerato.

  2. Asalamu caleykum wan salamayan dhamaan dadka muslimka ah gaar ahan kuwa afka somaliga ku hadlo .wa arin la yaabo runti in puntland dhahdo waxa nalo keeni rabaa ciidamo armysom hadane si leh magaraneno danta laga leyahay arintas ee waxa naga codsaday UN iyo midowga africa waxa halkas ka cad in madaxda somalida xor eheen ey leheen awood wax ku diidan kaliya ogaladan .waxa kalo tusalo inogu filan mida xamar ka tagan waqti walbo dadka shacabka lo cabiro hubcul ama lagu garaaco ayadane waxan indhaha laga qarsan karin mida lala damacsanyahay joboyinka iyo badabo wa xalad runti mugdi ku jiri ILAHEEY hanoga gargaaro

  3. Waxaan ahay wasiirka amniga + waan ku filannahay amnigayaga + qorshaha ciidamadda imanaya waxaa wata EU, AU iyo wadamada desriska ah =? Adaan kuu daayeyey jawaabta.

  4. asc wr

    waxaan ku boorinaya shacabka rer galkacayo inay diidma qayaxan ka mujiyaan arinta ah in la keno cidamo afrikan ah waxay soo siyadinayan majiran an dhib ahayn dowladana waxan leyahay hadaydan waxba diidi karin wax idin fiican iyo wax idin xun midna maxay tahay dowladnimada sheganaysan arintan wa in shacabka loo soo bandhigo wax garadkiisa lana dhegaysto fikirkooda waa mahadsan tihiin

  5. asc
    ciidamo amison loogama bahna puntland ogadana haddii ay yimadan in ay kontrolka dhaqalahana ay la wareegayan sida unipos oo dhaqalaha adunku siiyo somali lagu isticmalo nairobi kuwa dekada bosaso & airports & canshuuraha berigaba ay unipos & amison kontorooli doonan ee hadal haynta maxaa idin ku wacan mise roadmap ka qarsoon bey ku jirtan arintani oo hadad ka hortimadan Heg baa la idin geynaa mise qunaqumateyn dhaqalo & duulimad ba la idin sara ba la idinku yiri, ban filaa ee fiiro gaban & mid hdeer u yeesha!!!

Leave a comment

*