Wasiirka difaaca iyo kan Arrimaha dibada dalka Kenya oo gaaray Muqdisho

October 18, 2011 - Written by

Muqdisho:-Waxaa saaka safar deg deg ah ku gaaray Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya wasiirka Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji iyo wasiirka Arrimaha dibadda ee dowllada Kenya Wategula ,safarka wasiira daan ayaan horey loo shaacin balse safarka ayaa waxaa uu salka ku hayaa duulaanka ay ciidanka dalka Kenya ku soo galeen xadka dalka Soomaaliya iyagoo ku doodaya in ay dagaal la geli doonaa ururkaAl-shabaab oo iyagu gacanta ku haya inta badan Gobollada Jubooyinka.

no images were found

Wafdiga Wasiirada ka socda dowllada Kenya ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradada ee Aadan Cadde masuuliyiin sare oo ka tirsan DFKM.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa wafdiga ka socda dalka Kenya oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya waxaa uu ku qaabilay Xafiiskiisa waxaana kulanka sidoo kale ka soo qeyb galay Raisulwasaaraha DFKM Pro.Cabdi weli Maxamed Gaas iyo gudoomiyaha baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sh Aden .

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidoo loo taageeri lahaa DFKM iyo xiisada colaadeed ee ka soo korodhay gobalka J/hoose halkaas oo ay soo galeen ciidamo ka tirsan dowlada Kenya.

DFKM iyo dowlada Kenya ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis kaas oo lagu sheegay in uu yahay in labada dowlad ay iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa ururka Al-Shabaab .

DFKM iyo dowlada Kenya oo heshiis kala saxiixday halkan ka eeg

A/cawaale
Halgan.net
Masawirada waxaa na soo gaarsiiyey
Suldan A. Farahsed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ASC. waddanka Kenya uma socoto shabaab ee danteeda bee wadataa iyo khiyaamo.
    waxa ee u socdaan waa badda somali.

    waxee ku jiraan baaaris shedaal(oli) laga bilaawo xuddda ilaa iyo kismaayo.

Leave a comment

*