Xaflad balaadhan oo loo qabtay arday ka qalin jabisey Machadka Al-dacwa ee magaalada Hargeysa

October 9, 2011 - Written by

Hargeysa:-Machadkaas oo ah macaahida ugu waaweyn ee lagu barto culuumta shareecada iyo luqada carabiga ayaa  waxa  ka qalin jabisay dufcadii 6aad  ee ka tirsan ardayda machad ka oo tiradoodu dhanayd 79 arday oo kala ah 40 inamo ah iyo 39 hablo ah taas oo lagu qabtay KAAH HOTEL  ee magaalada Hargeysa. Xaflada qalinjabinta ayaa waxaa ka soo qayb galeen Culimo iyo madax kale dhinaca culimada waxa ka mida ahaa culimadii ka soo qayb gashay Sh.Dr. Axmed X.C/raxmaan , Shiikh. Axmed Cabdisamad ,Shiikh. Xassan Ibraahim ( Abuxasaan), Sh.Cawil Faatax, Sh. Aabi Maxamed , Sh, Cumar Bade oo ah Camiidka kuliyada Daraasaadka islaamiga ee jaamacada hargeysa, iyo marti sharaf kale oo tiro badan .

no images were found

Ugu horeyn halkaa waxa ka hadlay maamulka machadka oo Sh.C/raxmaan Cumar Cigaal  oo ka warbixiyey Machadka iyo inuu yahay Machad aad u balaadhan oo leh furuuc lagu barto shareecada islaamka iyo luqada carabigaba  ardayda ka qalin jebisay Machadkana ay yihiin dufacadii  lixaad oo maanta loo fadhiyo xafladoodi qalin jabinta .Waxa kale oo ka hadlay Sh.Dr. Axmed X.C/raxmaan oo ku dheeraaday in ardaydu ku dadaalaan ku hadalka luqada carabiga oo umada laga saaro cajabnimada xaga luqada oo ay ku dadaalaan inta ay machadka joogaan inay ku wada hadlaan af-carabiga , iyo meelaha ay ka raajici karaan adabka carabiga .

Dhinaca dawlada waxa ka hadlay Ag. W.Diinta iyo awqaafta Sh. Ibraahim oo ku dheeraaday muhiimada waxbarashadu leedahay iyo in ay wada shaqayn buuxda yeeshaan machadka iyo wasaaradu. Waxa kale oo isna goobtaa ka hadlay Sh.Axmed C/samad oo ku dheeraaday fadliga cilmiga iyo midaynta la mideeyey manhajka macaahida .Waxa isna goobtaa ka hadlay Sh.Cawil Faatix oo ku hadlayay afka waalidiinta oo ku dheeraaday inuu ardaygu ixtiraamo macalinkiisa (sheekhiisa) oo tusaalayaal badana u soo qaatay xidhiidhka ka dhexeeya ardayga iyo sheekhiisa.

Waxa ugu dambayntii ka hadlay Sh. Aabi oo ah عميد شؤون الطلاب لجامعة هرجيسا  iyo Sh, Cumar bade oo ah عميد كلية الدراسات الإسلامية لجامعة هرجيسا oo ku dheeraaday xidhiidhka ka dhexeeya jaamacada iyo Machadka oo maanta lagu soo kordhiyay ardayga ka baxa Machadu-Dacwa ee qaata Shahaadada Dimlop shareeca ee machadka inuu toos u geli doono jaamacada Hargeysa kana bilaaban doono Sanadka labaad taas oo ah arin aad u qiimo badan oo soo jiidatay ardayda hadana ay galeen dufcadi ugu horeysay kuna jiraan sanadii sadexaad ee jaamacada Hargeysa .

Dhinaca kale waxa iyadna xaflad balaadhan oo taa la mida una gaar ah dumarkii ka qalin jebiyey machadka ku qabtay جمعية الدعوة النسائية لدعوة والإرشاد DALXIIS HOTEL taas oo ay ku soo badhnigeen arrimo badan taas oo ay ku gudoonsiiyeen shahaado sharafyo qaar ka mida macalimiinta Machadka iyo maamulka Sh. C/raxmaan Cumar Cigaal.

Gabagabedii halkaa waxa lagu gudoonsiiyey ardaydii dhamaysatay shahaadooyinkii taas la gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore gashay jaa’isado farax geliyey .

Culimada Xafladaan qalin jebinta ah ka qayb gashay waxaa ka mid ahaaa

 

1-      Sh.C/raxmaan Cumar Cigaal  maamulaha machadka

2-      Sh. Dr. Axmed X. C/raxmaan

3-      Sh. Ibraahim Agaasimaha guud ee diinta iyo awqaafta

4-      Shiikh. Axmed C/samad

5-      Sh. Xasan Ibraahim (Abu xasaan)

6-      Sh. Cawi Faatax

7-      Sh. Aabi Cali Maxamed Dhiinka Shu’uunu Dulaabka Jaamacada Hargeysa

8-      Sh.Cumar Bade Dhiinka kuliyada diraasaadka islaamiga Jaamacada Hargeysa

 

Maxamed faarax

Hargeisa

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online