Afhayeenka ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir oo digniin diray

November 2, 2011 - Written by

Kenya:-Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniin ku aadan weerarro ay ku qaadi doonto saldhigyo kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay 10 magaallo oo ku yaalla gudaha dalka Somalia.

Afhayeenka ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir ayaa fariin uu ku qoray bogga Twitter wuxuu u digay dadka degan tobankaasi magaallo oo uu sheegay inay macquul tahay in ciidamada cirka ee Kenya ay la beegsadaan weerarro socon doona.

Magaallooyinka uu afhayeenku sheegay waxaa ku jira; Baardheere, Baydhabo, Afgooye, Buaale, Baraawe, Jilib, Kismaayo, Afmadow iyo Diinsoor.

Lama oga wakhtiga rasmiga ah ee weerarradan dhici doonaan, balse Afhayeenka ayaa dadka degan magaalooyinkan uga digay inay ka foggaadaan xarumaha iyo saldhigyada ay kooxda Al-Shabaab leedahay.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa Axaddii weerar duqeyn ah u geystay magaalada Jilib, waxaana weerarkaasi hay’adda MSF ay sheegtay inay ku dhinteen 5 qof oo rayid ah oo ku jiray xero barakacayaal ah oo ku taalla Jilib.

VOA

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online