Afhayeenka isimada Puntland oo ka hadlay colaada ka soo cusboonaatay Deegaanka Libi

November 13, 2011 - Written by

Qardho:-Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa ka hadlay colaada dib uga soo cusboonaaday deegaanka  Libi oo 45km dhinca koonfur bari ka xigta degmada Rako raaxo ee gobolka Karkaar colaadaas oo u dhexeysa beelo walaalo ah oo wada degan deegaanadaas.

Afhayeenka Isimada Puntland ayaa yiri  “Aad baan uga xun nahay colaada mar walba ka soo cusboonaata Deegaanada Puntland iyada oo inta badan uu taliyo qoriga halka uu talin lahaa caqliga iyo nabada.  ”Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabudlaahi Cali Ciid  ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in ay xiriir la sameeyeen Isimada iyo waxgaradka deegaanka degaanka Libi oo 45km dhinaca koonfur bari ka xigta degmada Rako raaxo ee gobolka Karkaar.

Isimada iyo waxgaradka gobalka Karkaar ayaa wada dadaaalo ay ku xakameynayaan colaada dib uga soo cusboonaatay deegaanka Libi waxaana socda dadaal lagu joojinayo colaad iyo iska horimaadka ka soo cusboonaaday deegaanka Libi oo 45km u jirta Degmada Rako raaxo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online