Afhayeenka ururka Al-shabaab oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho

November 15, 2011 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Sh.Cali Dheere oo maanta shir jaraaid ku qabtay  magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kaga hadlay  dagaalo ay Al-shabaab iyo ciidanka dalka kenya ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Jubooyinka, Sh.Cali Dheere ayaa ku sheegay shir kiisa jaraa.id in ay khasaaro fara badan ay gaarsiiyeen ciidanka dalka Kenya isagoo xusay in ciidanka Kenya ay ku jabeen duulaanka ay ku soo qaadeen Soomaaliya.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay ciidanka Kenya kuwa jabay oo weliba tabardaran iyagoo qaylo dhaan taageero u dirsaday dalalka carabta, Israil, Turkiga  iyo Maraykanka oo ah kuwa geliyey dulaanka ay ku soo qaadeen Soomaaliya.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Dheere ayaa tilmaamay in u jeedadii duulaanka ciidanka Kenya uu ahaa  in ay ka hortagaan shareecada islaamka iyadoo taas ay cadaatay markii ay taageero ay dowllada Kenya ay ka codsatay dowllada Israil, Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in dowllada Israil aysan waxba u qaban doonin Kenya loona baahan yahay in dowllada Kenya ay ka laabato duulaanka ay ku soo qaaday Soomaaliya.

Gabagabadii ayaa Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere waxaa uu ugu baaqay dadka muslimiinta ah in ay gargaar la soo gaaraan walaalahooda Soomaaliyeed ee duulaanka lagu hayo iyadoo la doonayo in la gumaysto lana qabsado dalkooda.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online