Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku laayey askar Kenyan ah Degmada Qooqaani

November 10, 2011 - Written by

Qooqaani:-Afhayeenka ciidamada  Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa saaka saxaafada u sheegay in  ay weerar la beegsadeen gaadiid kolonyo ah ay wateen ciidamada Kenya kuwaas oo ku socday deegaanka Qooqaani

Afhayeenka howlgalada ciidamada  Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in ay khasaaro xooggan u geysteen ciidamada Kenya ee galbinayey gawaari qaad iyo raashin u sida ciidanka Kenya iyo kuwa DFKM

Sheekh C/casiis Abuu-Muscabayaa yiri “Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaana weerarnay ciidamo Kenyan ah oo watay ilaa lix gaari waxaana gubnay 3 gaari ,gaari uu saarnaa qaad isagana gacanta ayaan ku dhignay ,”

Wariyaha Halgan.net ee gobalka J/hoose Cabdi Yare ayaa waxaa u xaqiijiyey weerarka lagu qaaday ciidamada Kenya dad wadada ku safrayey markii uu weerarka dhacay waxayna u sheegeen in ay arkeen 3 askari oo meyd ah iyo 3 gaari oo la gubay.

Wariyaha Halgan.net ayaa sidoo kale na soo gaarsiiyey in gaariga waday qaadka ay la socdeen 6 qof oo soomaali ah waxaana weerarka ku dhintay 3 ka mid ah halka kuwa kale ay sii daayeen ciidanka Al-Shabaab .

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax war ah ooo ka soo baxay dowlada Kenya iyo DFKM oo ku saabsan weerarka saaka 5:00 lagu qaaday ciidamada Kenya .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online