Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku laayey askar Kenyan ah Degmada Qooqaani

November 10, 2011 - Written by

Qooqaani:-Afhayeenka ciidamada  Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa saaka saxaafada u sheegay in  ay weerar la beegsadeen gaadiid kolonyo ah ay wateen ciidamada Kenya kuwaas oo ku socday deegaanka Qooqaani

Afhayeenka howlgalada ciidamada  Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in ay khasaaro xooggan u geysteen ciidamada Kenya ee galbinayey gawaari qaad iyo raashin u sida ciidanka Kenya iyo kuwa DFKM

Sheekh C/casiis Abuu-Muscabayaa yiri “Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaana weerarnay ciidamo Kenyan ah oo watay ilaa lix gaari waxaana gubnay 3 gaari ,gaari uu saarnaa qaad isagana gacanta ayaan ku dhignay ,”

Wariyaha Halgan.net ee gobalka J/hoose Cabdi Yare ayaa waxaa u xaqiijiyey weerarka lagu qaaday ciidamada Kenya dad wadada ku safrayey markii uu weerarka dhacay waxayna u sheegeen in ay arkeen 3 askari oo meyd ah iyo 3 gaari oo la gubay.

Wariyaha Halgan.net ayaa sidoo kale na soo gaarsiiyey in gaariga waday qaadka ay la socdeen 6 qof oo soomaali ah waxaana weerarka ku dhintay 3 ka mid ah halka kuwa kale ay sii daayeen ciidanka Al-Shabaab .

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax war ah ooo ka soo baxay dowlada Kenya iyo DFKM oo ku saabsan weerarka saaka 5:00 lagu qaaday ciidamada Kenya .

Cabdi Yare
Kismaayo

1 Comment so far

Leave a comment

  1. allaaahu akbaaaaaaaaaaaaaaaaaaaar

Leave a comment

*