Baaqyo lagu joojinayo colaad Rako-Raaxo ee gobolka Karkaar oo soo kordhaya

November 17, 2011 - Written by

Qardho:-Qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha, aqoonyahanka, culimada, dhalinyarada iyo haweenka ka soo jeeda gobolada Puntland ayaa waxa ay soo jeedinayaan in la qaboojiyo dagaallada dhiiggu ku daadanayaan ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku diriraya deegaanka degmada Rako ee gobolka Karkaar.

Dhamaan dadka baaqyada diraya ayaa waxa ay ka tacsidayeynayaan dadkii ku dhintay dagaalada soconaya, iyagoo eheladii ay sida gaarka ah uga baxeen Illaahay uga baryey samir iyo imaan iyo bedel kheyr qaba.

Waxgaradka  ayaa odayaasha iyo dowladda Puntland ugu baaqayaan inay arinta u xaliyaan sida ugu macquulsan, iyadoo dal iyo dibadba ay ka socoto qeylo dhaanta lagu qaboojinayo mashaakilkaan soo noqnoqday.

Shalay galinkii dambe ayey aheyd markii maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan ee walaalaha ay ay ku dirireen deegaanka Degmada Rako, waxaana dagaalladaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya 10 qof.

Dagaallada u dhexeeya maleeshiyaadka labada beel ee walaalaha ah ayaa in dhaweydba soo noqnoqonayey, iyadoo mashaakilka ugu weyn ee hadda Puntland ka jira uu yahay dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka oo marka dambe isu roga dagaallo dhiig badani ku daataan.

Halgan.net
Boosaaso.

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online