Ciidamada Kenya oo xalay la miray iyo Leo Nyongesa oo xaqiijiyey

November 9, 2011 - Written by

Kenya:-Wararka naga soo gaaraya degmada Mandheera ayaa sheegaya in weerar qorshaysan lagu qaaday ciidamo Kenyan ah oo ku sugnaa inta u dhexeysa degmada Mandheera iyo Ceelwaaq  kuwaas oo ku sii socday saldhiga ku yaal degmada Mandheera.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Waqooyi Bari ee Leo Nyongesa ayaa saxaafada u xaqiijiyay weerarka wuxuuna sheegay in ciidamo gaaraya inta u dhexeysa 30 ilaa 40 ay soo weerareen saldhig ku yaal xuduuda dalka Kenya ayna iska difaaceen.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay Halgan.net in uu soo gaaray ciidamada Kenya khasaaro kala duwan ka dib markii weerarka lagu kadiyey ciidamo iyo gawaari kolonyo ah oo ay leedahay dowlada Kenya.

Dhanka kale Guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Waqooyi-bari Aadan Cabdullaahi ayaa sheegayin la weeraray gaadiid waday warqadaha imtixaanaadka isaga oo walaac ka muujiyey weerarada lagu hayo gawaarida u kala goosha degmada Mandheera iyo B/xaawo .Ma jirto ilaa haatan cid sheegatay weerarka lagu qaaciyey ciidamada Kenya.

C/casiis Maxamed
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online