Ciidamo Itoobiyaan oo soo galay Gobalada dhexe iyo Hiiraan

November 20, 2011 - Written by

Galgaduud:-Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay halkaas ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya waxaana ay fariisimo ka sameysteen xarumo kala duwan .Saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa kulamo la qaatay Maamulka Degmada Guriceel.

Ciidamada Itoobiya ayaa wata ilaa 20 gaari oo isigu jira kuwa Urayaal ah iyo Tikniko waxaana ay cabsi la soo daristay dadweynaha ku dhaqan Degmada Guriceel.

Dhanka Kale ciidamo Itoobiyaan ah ayaa soo gaaray saaka duleedka  degmada Dhuusamareeb iyaga oo bilaabay in ay baaraan dadweynaha iyo gawaarida u kala gooshaya gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Wararka sidoo kale naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah lagu soo xoojiyey kuwa shalay soo gaaray Deegaanka Feer Feer iyo deegaanka Kalabeyrka .

Ilaa haatan wax war ah kama soo bixin masuuliinta DFKM xili ay Midowga Afrika u xusul duubayaan in ciidamo Itoobiyaan ah la siiyo magaca AMISOM si ay u qabsadaan Gobalada Dhexe ,Hiiraan iyo Bay iyo Bakool.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Itoobiya iyo Kenya waxay u soo galeen inay qaybsadaan Somalia sida ay horey u sheegeen madaxdooda iyo warbaahintooduba

Leave a comment

*