Ciidamo Itoobiyaan oo soo galay Gobalada dhexe iyo Hiiraan

November 20, 2011 - Written by

Galgaduud:-Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay halkaas ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya waxaana ay fariisimo ka sameysteen xarumo kala duwan .Saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa kulamo la qaatay Maamulka Degmada Guriceel.

Ciidamada Itoobiya ayaa wata ilaa 20 gaari oo isigu jira kuwa Urayaal ah iyo Tikniko waxaana ay cabsi la soo daristay dadweynaha ku dhaqan Degmada Guriceel.

Dhanka Kale ciidamo Itoobiyaan ah ayaa soo gaaray saaka duleedka  degmada Dhuusamareeb iyaga oo bilaabay in ay baaraan dadweynaha iyo gawaarida u kala gooshaya gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Wararka sidoo kale naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah lagu soo xoojiyey kuwa shalay soo gaaray Deegaanka Feer Feer iyo deegaanka Kalabeyrka .

Ilaa haatan wax war ah kama soo bixin masuuliinta DFKM xili ay Midowga Afrika u xusul duubayaan in ciidamo Itoobiyaan ah la siiyo magaca AMISOM si ay u qabsadaan Gobalada Dhexe ,Hiiraan iyo Bay iyo Bakool.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online