Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka gudaha u soo galay Gobolka Gal-Gaduud

November 19, 2011 - Written by

Guriceel:-Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka waxaa ay gudaha u soo galeen degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya gaar ahaan, Degmooyinka ay soo galeena ciidanka Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah Cabudwaaq , Guri-ceel iyo Dhuusa-mareeb. Ciidankaan Itoobiyaanka ah ayaa waxaa ay ku hubaysan yihiin oo wataan baabuurta loo yaqaan Uraalka iyo Taangiyo. Ciidanka Itoobiyaanka ah aya waxaa degmooyinkaas ku soo dhaweeyey Masuuliyiin  ka tirsan dariiqada Suufiyada ee la baxay Ahlusunaha oo iyaga ka taliya degmooyin kaas, Ciidanka Itoobiyaanka ayaa la filayaa in ay hub iyo saanada kale duwan ay siin doonaa masuuliyiinta degmooyinkaas ka taliya si ay ula dagaalamaan ururka Al-shabaab .
Soo gelitaanka ciidanka Itoobiya ee Gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaan ahayn wax cusub waxaan soo gelitaankooda markaan ku soo beegmaysaa ka dib markii maalmo ka hor ay ururka Midowga afrika ee IGAD ay ka codsadeen dowllada Itoobiya in ay ciidamo u soo diraan gudaha dalka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhan ah ururka Al-shabaab oo ay hishiis ku wada gaareen dowlladaha Kenya , Ugaandha, Burundi , Itoobiya.
A/cawaale
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online