Ciidamo ka wada tirsan DFKM oo dagaalamay

November 27, 2011 - Written by

Muqdisho:-Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan DFKM ayaa waxaa uu dagaal ku dhex maray degmada Xamar weyne ee Gobolka banaadir, dagaalka saaka dhexmaray 2-da ciidan oo ka wada tirsan DFKM ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka saaka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 5 qof oo 3 ka mid ah ay ka tirsan yihiin ciidanka DFKM, dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan Booliska iyo kuwa Milateriga ah iyadoo dagaalku uu sababay ka dib markii ciidamo ka tirsan Booliska ay ku amreen ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo aan wadan dharkooda in ay hubka dhigaan ka dibna ay diideen.

Sarkaal u hadlay ciidanka Booliska ayaa saxaafada u sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga ah oo wata gaari ay rasaas ku fureen ciidamo ku sugnaa  iridka hore ee saldhiga booliiska degmada Xamar weyne taas oo sababtay in ciidanka Booliska ay jawaab ka bixiyaan falka ay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga DFKM.

Goobjooge ka agdhawaan goobta dagaalka uu ku dhexmaray ciidanka DFKM ayaa waxaa saxaafada u sheegay in iska horimaadka u dhexeeyey ciidanka DFKM ay ku dhaawacmeen dad shacab ah iyo weliba askar gaaraysay  ilaa 3 askari, ciidanka Milateriga ah ee shaqaaqada geystay ayaa goobta iskaga tegay ka dib dagaal  dhexmaray iyaga iyo ciidanka Booliska.

Ilaa hadda ma jiraan masuul ka tirsan DFKM oo ka hadlay dagaalka khasaaraha geystay ee u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan DFKM
ma ah markii ugu horaysay oo ciidamo ka tirsan DFKM uu dagaal ku dhex´maro baro Koontrool iyo goobo kale oo ay kuwada sugan yihiin.

A/cawaale
halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online