Ciidanka Puntlland oo qabtay kooxo burcadbadeed ah (sawiro)

November 27, 2011 - Written by

Garoowe, Nov 27 – Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntlland ayaa waxaa ay howl galo ay ku baacsa nayaan kooxo burcad badeed ah waxaa ay ka fuliyeen degaano xeebeed ku yaal Gobolka Nugaal iyo Mudug waxaan ay ku soo qabteen  ilaa 9 burcad badeed ah iyo agabkii ay wateen, Ciidanka darawiishta Puntlland oo aad u hubaysanaa ayaa waxaa ay weerar la beegsadeen degaano ku dhow degmada Eyl waxaan ay hareeree yeen koox burcadbadeed ah oo markii danbe ay ciidanku ku qasbeen in ay is dhiibaan.

Ciidanka ayaa waxaa ay kaloo ay qabteen doomo dheereeya ,hub  iyo agabyo kale oo ay kooxahaan burcadbadeedka ah ay u isticmaali jireen in ay ku soo afduubaan Maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya iyo weliba Gacanka cadmeed. Ciidanka daraawiishta ee dowllada Puntlland ayaa burcad badeedkaan ay qabteen waxaa ay soo gaarsiiyeen magaalada Garoowe iyagaa isla saaka u taxaabay xabsi ku yaal magaalada Garoowe, Saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntlland oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in kooxdaan burcadbadeedka ah ay soo qabteen xili ay doonayeen in ay afduub u geystaan Maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya.

no images were found

Afhayeenka dawladda Puntland Axmed Cumar Xirsi ‘Libaax-joorre’ oo shir jaraa’id ku qabtay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe oo isagana la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dhalinyaradaan la soo qabtay ay ahaayeen burcad badeed la soo qabtay iyaga iyo agab koo diiba dhawaana la soo taagi doono maxkamada, afhayeenka ayaa sheegay in kooxdaan burcadbadeedka ah ay wateen doonyo dheereeya hub fara badan fuustooyin shidaal ah, qalab is gaarsiin taasna ay marag ma doonto u tahay in ay yihiin burcadbadeed.

Afhayeenka Puntland Axmed Cumar Xirsi Libaax-joorre ayaa saxaaafada u sheegay in ciidanku ay ogaadeen kooxdaan burcad ah  ka dibna ay howl ga sameeyeen oo soo qabteen kooxdaan burcad ah isagoo ku nuuxnuuxsaday in ciidanku ay wadi doonaa howlgalka ay kula dagaalamayaan kooxaha burcadbadeedka ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online