Culumadii iyo Qabaa,il u gurmaday Markaska Daarul Xadiis ee Damaaj oo gaaray Joof

November 11, 2011 - Written by

Yemen:-Culumadii iyo waxgaradka Qabaa,ilka Yemen ee u tafo xeytay in ay u gargaaraan kana qaadaan go,doonka Markazkii ugu weynaa Salafiyiinta ee Daarulxadiis ee Damaaj ayaa maanta duhurkii gaaray magaalada Joof halkaas oo ay ka sii raaci doonaan gurmad iyo qaafilooyin kale oo ka imaanaya dhamaan gobalada dalka Yemen.

Wariye ka tirsan Halgan.net ayaa ka mid ah qaafilada la socota Culumada iyo Qabaa,ilka Yemen waxaana soo gudubin doonaa hadii alle idmo sawirada iyo wixii mar walba soo kordha hadii alle idmo .Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya qaafiladii u gurmatay Markazka Daarul xadiis ee Damaaj ayaa sheegaya in maanta casarkii ay soo gaareen gurmad kale oo ka yimid magaalada Ma.irib waxaana lagu qiyaasay tirada gawaarida in ay gaarayaan ilaa 120 gaari cadadka gurmadka culumada iyo ardayada iyo madaxyaweynta qabaa,ilka ayaa ku dhow ilaa haatan 4000.

Waxaan alle uga baryeynaa in uu alle xifdiyo Sh Yaxya Xajuuri iyo dhamaan culumada iyo ardayda salafka ah oo ay go,doon sheen kooxo badan oo cadaawo u haya dacwa Salafiya oo ay u horeeyaan kooxda xuutiyiinta .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. asalamu calaykum bahda halgane net aad ayaad ugu mahadsan thiin wararka slafiyada yaman waanuna ubaahanhay in aanu ogaano meesha xaal marayo wasalmu calaykum

  2. salaamu calaykum.

    alle ha u gargaaro culumada iyo ardayda Markazka daarul xadiis ee damaaj Cabdulaahi ibnu mubaark raximahulaah ayaa horey u yiri
    قال عبد الله بن المبارك
    ” أول العلم النية ، ثم الاستماع ، ثم الفهم ، ثم الحفظ ، ثم العمل ، ثم النشر ”
    جزاكم الله خيرا وبارك الله فيكم وفي مجهودك Halgan.net

Leave a comment

*