Dabinkii la inoo dhigaba ma ku dhacaynaa? Sh Axmed C/samad

November 8, 2011 - Written by

Ma yara dabinada la inoo qoolay oo aynu badankooda ku dhacnay, walina aynaan ka bixin iyo kuwa aynu hadda ku sii soconoba. Iyada oo muddo aynu ku jirnay laandayro marar kala duwan ina la kacay, xargo badana ina ku xirxiranyihiin, oo cadaaweheenu hadba meeshii uu doono ina ka cantuugayo ayaa Alle mahaddi si aan la filayn mar loo hinqaday, xargihii badnaana bar la iska gooyay, waa kacdoonkii maxkamadaha’e. Raggii aynu siriqda ugu jirnayna kolkaasey kala orod iyo xarga xiris hor leh bilaabeen.

Haddaba ku noqon mayno dabinadii cadaawuhu inoo dhigay xilliyadii hore ha fuleen ama yaanay fuline, waxaynu se eegaynaa qaar ka mida xargaha la inoo daadshay kacdoonkii maxkamadaha ka dib iyo sidaynu ugu daadanay.

Sidii aynu ugu haysanay inaynu xargihii wada goosanay, hadda ka dibna aynu rag wax la qaybsan doono ayaa la arkay innaga oo xarguhu xubnihii ugu muhiimsanaa iyo dadkii ugu muhiimsanaa wali inoo ka xiranyihiin, madaxyaweyntii iyo miskaxduba ha ugu darnaadeene. Raggii ay ahayd inay bulshada Soomaaliyeed berri amaan u horseedaan baa la arkay iyaga oo garasho iyo garasho la’aanba fulinaya barnaamijyadii cadawgu ka lahaa dalkeena iyo dadkeena, sida la xirasho awoodo shisheeye, horseed khilaaf iyo kala jajab, is xalaalaysi ka dhashay is gaalaysiin iyo is bidcaysiin, aloosid colaad sokeeye, dil, qixin iwm.

Haddaba waxaynu soo qaadaynaa dhawr ka mida dabinada aynu ku dhacnay kuwa ugu muuqaalka dheer ee la wada fahmi karo.

Qunyar Socod iyo xagjir

Sidii loo aasaasay golihii maxaakimta islaamiga ee uu madaxda ka ahaa Sh. Shariif Sh. Axmed, Sh. Xasan Daahirna ka ahaa guddoomiyaha golaha shuurada waxay bilaabeen reer galbeedku inay ku magacaabaan Sh. Shariif ninka labaad ee maxaakimta, Sh. Xasanna ninka koowaad. Waxay kale oo caadaysteen in ay maxaakimta u qaybiyaan qunyar socod iyo xagjir, taas oo ujeeddada ka dambaysa si dhib yar loo fahmi karey.

Dhab ahaan wax lagu celceliyaba qaybsankii ay rabeen (qunyar socod iyo xagjir) way ku guulaysteen, ka dib markay u sahleen asbaabtii lagu kala jabi lahaa. In cadawgu dabinka kala jabinta ina la gaadayeyna qorraxda way ka caddayd, haddana waynu ku dhacnay!.

Adeegsiga suufiyada

Mu’assasada cilmibaarista RAND ee Maraykanku waxay soo saartay 26/03/2007 diraasad ay ugu magacdartay “dhismaha shabakado muslim ah oo qunyar socod ah”, taas oo ay dawladaha reer galbeedka kaga la talinaysay hababka islaamka loola dagaalami karo. Talooyinkaas waxay leeyihiin waa in la dagaalanka islaamka loo adeegsado dad muslimiin ah, waxaana ka mid ah dadkaas suufiyada oo magac diineed kula diriraysa dadkii diinta ku baaqayey.

Diraasadaan iyada oo soo baxday bilowgii sannadkii 2007, ayna ahayd in si buuxda looga tabaabushaysto, loogana hortago ayaa haddana islaamiyiinta Soomaaliyeed aakhirkii ku dheceen dabinkaas, waxayna suufiayadii la galeen dagaalkii loo qorsheeyay!.

Qixinta iyo barakicinta shacbiga

Iyada oo aysan jirin qaxooti iyo barakac ay dadweynuhu dalka kaga baxayaan ayay bilaabeen hay’adaha UN ka iyo dawladaha mushkiladda Soomaaliya ku leg leh in ay ku dhawaaqaan inay furayaan xuduudka Kenya oo markaas xirnaa siddeed bilood ka badan, ayna qaabilayaan qaxootiga faraha badan ee Soomaaliya ka soo faruurmi doona.

Waxay kale oo bilaabeen dhismaha xeryo dadkaasi degaan oo waliba aan waabab ahayn sidii caadadu ahaan jirtay ee laga dhisayo bulukeeti dhoobo ah, taas oo tusaysa in aan dhismayaashaani ku meelgaar ahayn.

Taa waxaa ku cad inay sii diyaarinayeen dagaallo Soomaalida ka dhexdhaca oo dadka lagu qixiyo, taas oo ujeeddooyin badan ay ku gaari karaan, sida: in dalku u cidloobo, in dadka qaxaya ay ka saameeyaan meelo badan iyo inay dadka dalka kula diriraya seejiyaan awooddii iyo kaalmihii dadkaasi siin lahaa.

Baaqyadaan iyo qoraaladaan oo soo baxay heshiiskii jibbuuti lix bilood ka hor waxba lagu ma dhisan ee dabinkaas sidii la rabey iyo ka badan baynu ugu dhacnay, waxaana dalkii ka qarxay dagaallo waaweyn oo u dhexeeya Soomaalida, haba ugu darraadeen kuwii dhex maray dadkii xabashida la wada dirirayay oo diinta hirgalinteeda ku wada baaqayey. Qaxii gaaladu ina la rabtayna siday rabeen baynu ugu hirgalinay!.

Soomaaliya iyo fulinta tajribadii Ciraaq

Sannad iyo labo bilood baa laga joogaa markii uu sheegay James K. Glaasman oo ka mida kaaliyeyaasha arrimaha dibadda Maraykanka in ay doonayaan inay islaamiyiinta qunyar socodka ah ee Soomaaliyeed ka horgeeyaan kuwooda xagjirka ah; si loo hirgaliyo tajribadii Ciraaq. Taa macneheedu waxa weeye in Soomaalidu (waliba kuwa islaamiyiinta ah) qabtaan shaqadii ciidanka Maraykanku qaban lahaa ee ahayd laynta iyo qixinta shacbiga soomaaliyeed.

Arrintuna waxayba u dhacday sidii ay u rabeen. Waxaa taa ka sii daran in islaamiyiintu marka ay shaqadaas bilaashka ku qabanayaan labada dhinacba diinta u daliishanayaan, tusaale ahaan: waa niman dowladdii ama wilaayadii islaamiga ahayd ka horyimid, waana waajib diini ah in laga difaaco diinta, qofkii la dagaalankooda ku dhintana waa shahiid!. Dhinaca kalena waxaa ku filan inay sheegaan: inay kuwaani riddoobeen ama cumalo yihiin ama ay dulmi ku soo weerareen oo ay iska difaacayaan!, ninkii naga dhintana uu shahiid yahay!.

Tajribada Ciraaq ee la ina la doonayeyna waxay ahayd: iyada oo muslimiinta sunnadu dhinac ka soo wada jeedaan, gaalada iyo Shiicaduna meel ay galaan la’yihiin ayaa mujaahidiintii qaarkood dheheen: dowlad islaami ah baan ka noqonay dalkaan gaalada iyo shiicadu haystaan ee na raaca iyo dowlad ma tihidin, mana idin raacayno. Dadweynihii iyo mujaahidiintiina waa la iska horkeenay, ka dibna xabbaddii gaalada ku jeedday baa la isku soo jeediyey, markii ay isku awood beeleena waa la is wada raacshay.

Haddaynu dib u eegno dagaalkii dhexmaray ciidankii maxkamadaha ee ku biiray federalka iyo ururada kale ama aynu fiirino kan hadda ururadii kale laftooda ka dhexdhacaya iyo waxyaabaha la isu daliishanayo sow ma oran karno gaaladu waxay rabeen waynu u fulinay?.

Su’aalo muhiim ah

Nimanyohow waxaa is weydiin leh gaalada yaa u sii sheegay in aynu say rabaanba u yeeli doono?. Ilaahay isaga oo ka waramaya shaydaan buu wuxuu yiri: “ Ibliis malihiisii waa ku rumoobay dushooda (aadanaha) oo way raaceen koox mu’miniin ah mooyee”. Waa la hubaa in aysan gaaladu qaybka ogayn ee waxay ku go’aanqaateen kalsooni ka dhalatay xog dhab ah oo ay ina ka hayeen.

Haddaba wixii dhacay dhecee hadda wax ma cayminaa illaa caana daatay dabadoodaa la qabtaaye?, mise xaalku waa: rag ciil cadaab ka dooray?, oo inaynu hebel ka ciilbeelno ama mashruuciisa ka ciidayno ayaa inoo ka muhiimsan ummaddaan iyo diinteeda?.

Gunaanad

Waa la wada jecelyahay in wax hagaagaan ee waxaa la isla garan la’yahay waxa iyo sida wax ku hagaagi karaan. Haddii ay raggu diinta u hoggaansanyihiina iyadaa caddaynaysa waxa habboon, sida ugu habboon ee loo fulin karo iyo waqtiga ugu habboon ee la qaban karo.

Ninkii ama kooxdii aan diinta u hoggaansanayn ee inta kale ku hoggaaminaysa lafteedu fursad u heshay inay tijaabiso afkaartii la wacnayd, soona aragtay inaan xal iyo wanaag midna lagu gaarayn. Haddaba waxaa ila quman in hadda ka dib laga ambaqaado xaqa kaligay ma haysto, xalkana kaligay ma hayo ee sida diinta, dadka iyo dalku inoo ka dhexeeyaan talada iyo waxqabadku ha inoo ka dhexeeyo iyadoo la cuskanayo diintaas inoo wada dhaxaysa. Waxay ila tahay taasi inay tahay tillaabada koowaad ee waddada xalka ee ma ku dhaqaaqnaa?.

W/Q: Sh. Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

5 comments on “Dabinkii la inoo dhigaba ma ku dhacaynaa? Sh Axmed C/samad

  1. omar abdi salan on said:

    walaal axmed jazaakalahu khayran khaladkii waa loo wada jeedaa in wada gooder lahayana waa muuqataa ee aaway cidii sixi lahayd meesha waxaa ka maqan ku dhaqanki xadiiskii أنصر أخاك ظالما أو مظلوما dadka magac diinta wax ku baabi,inaya ayagana lagu baabi,inayo shabaqyada gaaladu dhigaysana marba mid kusii dhacaya soo in gacanta la qabto maahanay oo loo gurmado dacawada salafkana la badbaadsho www

  2. waa asiibtay sheekh waana wax inta caqliga leh u muuqda illaahay hanaga saaro dhibaatada ummada somaliyeed ku habsatay

  3. Run iyo ilkaba waa lacadeeyaa … Dhabtu waa in magacyo badanayaasha diinta ka beensheegaayi iyaga oo la,Isticmsalahyo lagu burburshey magacii diinta .

  4. sheekh axmed waad maqashiisay cidii wax maqlaysa yaase ku dhaqmaya, hadii talada laysku darsan lahaa oo soomaaliyi ismaqli lahayd maynaan xariga nalaku xirayo inagu xusuladeena ku keensaneen, ilaahay waxaan ka baryayaa in soomaali kiyirkii usoo celiyo oo ismaqal iyo inay dantooda isku aragti ka noqdaan waafajiyo…

  5. aslamu caleykum sh.axmed wad mahadsantahay marka kowad wad asibtay yoolka ama ujeedada gaalada nagaledahay waa mid sax ah oo wanu kudhacnay dabanadi ay noqolen gaalada allow adiga garsore ahe nahanuni amiiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,769 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>