Dagaal ka dhacay duleedka degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

November 16, 2011 - Written by

Kismaayo:-Dagaal u dhexeeya ciidanka dalka Kenya oo gacan siinaya ciidamo sheegay in ay taabacsan yihiin DFKM iyo ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu maanta ka dhacay tuulada  Buusaar ee gobolka Gedo, dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisamo ay ciidanka Kenya ay ka samaysteen duleedka Degmada Ceel-waaq.

Dagaalka ka dhacay tuulada Buusaar ee gobolka Gedo ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in khasaaro kale duwan ay soo kala gaareen ciidanka Kenya oo gacan siinaya ciidamo DFKM iyo ciidanka Al-shabaab, khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa hadda ma cada.

Goobjoogayaal la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in dagaalka saaka ka dhacay tuulada Buusaar ee gobolka Gedo uu ahaa mid xoooggan  ayna arkeen dhaawacyo gaaraya ilaa 12 askari oo laga daad gureynayo goobta dagaalka uu ka dhacay, Masuul u had lay ururka Al-shabaab ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalka saaka ay ku dileen ilaa 8 askari oo Kenyaan ah 3 kalena ay qabteen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Gedo DFKM Maxamed Cabdi Kaliil oo isagana la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu guulka sheegtaydagaalka ka dhacay tuulada Buusaar isagoo xusay in ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisamahooda balse ay iska difaaceen dibna ay ugu celiyeen goobtii ay ka soo duulaan tageen.

Dowlada Kenya ayaan ilaa hadda ka hadlin dagaalka maanta dhacay tuulada Buusaar , tuulada Buusaar ayaa waxaa ay 40 KM u jirtaa degmada Ceel-waaq, dowllada  Kenya ayaan ilaa hadda shaacin khasaaraha ka soo gaaray dagaalka ka dhacay duleedka degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online