Dalka Jabuuti oo ciidamo gaaraya 850 u soo diraysa Soomaaliya

November 3, 2011 - Written by

Jabuuti:-Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu ciidamo gaaraya 850-askari u sóo diri doono dalka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada AMISOM e haatan ku sugan Muqdisho.

 Col. Paddy Ankunda ayaa saaka saxaafada u sheegay in 850 askari oo ka socda dalka Jabuuti ay bishan Novembar iman doonaan magaalada Muqdisho .Ciidamada AMISOM ee ku sugan haatan magaalada Muqdisho ayaan ka kala yimid wadamada  Burundi iyo Uganda waloo aan si rasmi ah u cadeyn tiradooda.

  Col. Paddy Ankunda ayaa yiri “Ciidamada Jabuuti ka imaanaya waan soo dhaweynaynaa. waxaana la gaarsiin doonaa ciidamada AMISOM sanadkan ilaa 12000, oo askari.”

Afhayeenka AMISOM  Col. Paddy Ankunda  ayaa mar uu ka hadlay dagaalada ka dhaca Muqdisho ayuu sheegay in uu jiro khasaaro soo gaara ciidamada AMISOM balse ay ka guuleysteen inta badan dagaaladii ay la galeen ciidamada Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online