Deganaasho maanta ka jirta degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar

November 17, 2011 - Written by

Qardho:-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya colaada ka aloosan degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in xaalada deegaanadii lagu dagaalamayey maalmahan ay maanta degan tahay, xiriiro kale duwan oo aan la samay naya magaalada Qardho iyo Boosaaso ayaa noo xaqiijiyey in maanta aan wax dagaal ah uusan dhicin.
Culimada, isimada  iyo waxgaradka ayaa dadaal ugu jira in ay wufuud u diraan degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar  oo maleeshiyaad reer mii ah oo xoolo dhaqato ah oo ka soo jeeda degaanka Rako Raaxo uu dagaal ku dhexmaray 2-dii maalmood ee la soo dhaafay.

Dagaalka u dhexeeya 2- da maleeshiyaad ee reer miiga ah iskuna haya dhul daaqsin ah ayaa waxaa ilaa hadda ku dhintay 22 qof halka dhaawac badan uu jiro oo aan ilaa hadda tiradooda la cayimin, 2-daan beelood oo walaalaha ah ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa culimada, Isimada iyo nabadoonada Gobolkas Bari ka dhexwadeen waanwaan lagu qaboojinayo colaada ka dhex aloosan. 

Qaar ka mid ah maleeshiyaadkii ku dhaawacmey dagaalka ka dhacay degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar  ayaa shalay waxaa la soo gaarsiiyey Isbitaalada Magaalooyinka Qardho & Boosaaso, kuwaasi oo qaarkood ay qabaan dhaawacayo culus. dagaalka u dhexeeyey 2 maleeshiyo beeleed ayaa shalay iskiis u istaagay.

Xilibaanada ka tirsan Golaha wakiilada Puntlland oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ayaa  waxaa ay ugu baaqeen maleeshiyaadka beeleedka ku dagaalamaya degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar in ay si deg deg ah u joojiyaan colaad baaqyada nabadeed ee loo  jeedinayana ay qaataan. 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online